Ma Hubaal Ayay Noqotay In Alisson Becker Uu Seegayo Kulanka Chelsea Ee UEFA Super Cup? Xogtii Ugu Dambaysay Halkan Ka Akhriso.

Goolhayaha Liverpool Alisson ayaa garoomada ka maqnaan doona afar ilaa lix isbuuc ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa kubka kulankii xalay ay 4-1 kaga badiyeen kooxda Norwich City.

26 jirkaan ayaa ku bilow ah soo darbeynayay waxaana uu ku dhacay garoonka isagoo heysta lugta daqiiqadii 38aad taasoo qasabtay in tababare Jurgen Klopp uu ku bedelo Adrian.

Sida ay sheegtay jariirada Daily Mail waxaa laga cabsi qabaa in goolhaye Alisson uu seegi doono kulanka ugu horeeya wareega group-yada Champions League ee la ciyaarayo bisha September.

Isagoo saxaafada la hadlayay ka dib kulankii xalay, tababare Klopp ayaa ka hadlay walaaca uu ka qabo dhaawaca goolhayihiisa koowaad.

“Waxa uu u maleeyay inay wax looga dhuftay kubka, sidaasi darteed ma ahan calaamad wanaagsan” ayuu Klopp u sheegay Sky Sports. “Waa sidaas sida uu dareemay, ma ahan calaamad wanaagsan, qof walba oo isboorti ciyaara ayaana fahmi kara waxa aan kala jeedo.

“Waxa ay la micno tahay in dhaawaca uusan aheyn kaliya muruq cadaadis uu koray, waxaana ku sameyn doonaa baaritaan sida aan ogaano inta uu la egyahay dhaawac. Laakiin uma muuqdo mid fiican.”

Klopp ayaana xaqiijiyay xalay in Alisson uu seegayo kulanka UEFA Super Cup ee ay Arbacada magaalada Istanbul kula ciyaarayaan kooxda Chelsea, waxaana kulankaas ciyaari doona goolhayah cusub Adrian oo afar maalmood ka hor ku soo biiray Reds.

Walwalka heysta Liverpool ayaa ah inaysan heysan goolhaye seddexaad oo weyn, goolhayahooda seddexaad ee da’da yar isaga xitaa dhaawac gacanta ah ayuu ka soo kabsanayaa.

Waxaa la sugayaa in la arko goolhayaha kursiga keydka u soo fariisan doona Reds kulanka Istanbul ee UEFA Super Cup