Ma Hambalyo Ayay Kaga Soo Hadhay Barcelona? – Barca Oo Lagaga Maadsaday Hambalyadii Ay U Dirayeen Kooxda Champions League Ku Guuleysata Afartii Xilli Ciyaareed Ee U Dambeeyay.

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa lagaga maadsaday inay kaliya ahaayeen koox hambalyaysa afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay marka laga yimaado inaysan kusoo guuleysan wax Champions League ah sanadahaas.

Blaugrana ayaa markii ugu dambaysay ee ay tartanka ugu xiisaha badan Yurub hanatay ay ahayd 2015 waxaana ay tan iyo markaas dadaal ugu jireen inay markale qaadaan balse waxa ay ku fashilmeen inay dhaafaan wareegyada hore.

Xilli ciyaareedkan iyo midkii hore ayaa ahaa kuwa ugu xanuunka badan ee Barcelona saamaynta xun ku yeeshay waxaana ay ka hadheen tartanka iyaga oo ah kooxda ugu cad cad ee wareega xiga u gudbi karaysay.

Liverpool oo ahayd kooxdii ku guuleysatay Champions League xalay ayaa kasoo cidhib tirtay Barcelona tartankan waxaana ay Barca xalay samaysay arrin gobanimo ah iyaga oo hambalyo u diray Reds.

Sidoo kale Barcelona ayaa soo samaynaysay hambalyo saddexdii xilli ciyaareed ee hore walow kooxda ay hambalyada la daba taagnayd ay ahayd Real Madrid oo ay inta ugu badan xifaaltamaan.

Marka laga yimaado in hambalyadu ay tahay qayb dadnimada wanaagsan kamid ah hadda shaqsiyaadka qaar ayaa si kale u arkay in Barcelona ay sanad kasta hambalyo lasoo taagan tahay iyaga oo kaga maadsaday.