Ma Dhici Kartaa In Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi Ay Isku Koox Noqdaan Dhawaan? Halyeey David Beckham Oo Qorshahaas Wada Iyo Siday Macquulka U Tahay.

Halyeeyga kooxaha Manchester United iyo Real Madrid sidoo kalena mar soo  matalay kooxaha AC Milan iyo Paris Saint-Germain ee David Beckham ayaa ku hammiyaya inuu koox ku mideeyo laba kamid ah xiddigaha kubadda cagta soo mara kuwoodii ugu fiicnaa abid.

Beckham ayaa isku diyaarinaya daah ka qaadista kooxda cusub ee uu yagleelay ee Inter Miami taas oo si rasmi ah u bilaaban doonta waayaheeda ciyaareed xilli ciyaareedka dambe ee 2019-20 kana qayb ah horyaalka Maraykanka ee Major League Soccer.

David ayaa lala xidhiidhinayaa inuu kooxda keeni doono shaqsiyaad badan oo magac weyn leh waxaana ka qayb ah xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo haddiiba ay koox kaliya ku midoobaan ay noqon lahayd riyo u ramawda dhammaan dunida kubadda cagta.

Haddaba, Beckham ayaa sheegay inay adagtahay in Juventus iyo Barcelona laga soo wado xiddigahooda maadaama oo ay wali si fiican u ciyaarayaan balse waxa uu diiday inuu meesha ka saaro qadarka iyo in waxkasta dhici karaan.

Beckham ayaa yidhi “Qofkasta waxa uu haystaa liiska xiddigaha ah ee uu doonayo, Qofkasta wuu haystaa, Laakiin haddii aad eegto sida ay Leo iyo Cristiano ay u ciyaarayaan xataa iyagoo ku jira wax aad u malayn karto qaybaha dambe ee xirfadooda, Ma arko iyaga oo ay kasoo idlaanayso”

“Waxa ay u ciyaarayaan heer sidaas u sarreeya taas oo adkaynaysa in la arko iyaga oo ka tagaya  kooxaha ay joogaan, Waligaa ma ogaan kartid waxa ka dhici kara kubadda cagta”

“Ka urur ahaan, Ka koox ahaan waxaanu bilaabaynaa raacashada ciyaartoyda iyo waxyaabaha macquulka ah, Koox cajiib ah ayaanu ku haysanaa halkan waxaanananu bilaabi doonaa isku keenista arrimaha si wadajir ah, Laakiin waa inaanu u qabanaa midaas si dhakhso ah  sababtoo ah kaliya hal sano ayaa inaga xiga”

“Dad ayaan la hadlayay wakhtigaas, Dad sida David Gill kaas oo ah shaqsi leh khibrad weyn oo uu ku yeeshay Manchester United aniga oo weydiisanaya wax ku saabsan shaqada uu halkaas kasoo qabtay”