Ma Baxaysid!!: Arsenal Oo Gabi Ahaanba U Diiday Xiddig Kooxdeeda Ah Oo Bixitaan Doonayay Inuu Kooxda Ka Tago Bishan January.

Advertisements

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay albaabka ka xidhay khadka dhexe ee kooxdeeda ee Dani Ceballos kaas oo doonayay inuu iskaga baxo Emirates Stadium gudaha suuqa bishan January.

Advertisements

Ceballos ayaa haatan qaab amaah ah kaga soo maqan Real Madrid oo uu xagaagii kasoo dhaqaaqay balse heshiis uu wakhtigan kaga baxo Premier League ayaa noqonaya mid aad u adag iyadoo ay Arsenal u sheegtay Madrid iyo isagaba inaysan fasaxayn bishan.

Image result for Dani Ceballos

Ceballos ayaan haatan ku jirin qorshayaasha tababare Mikel Arteta maadaama oo uusan wali hal daqiiqo ciyaarin tan iyo markii uu kooxda la wareegay balse maamulka sarre ayaa aaminsan inuu wali ciyaartoy muhiim ah noqon karo.

Arrinta bixitaankiisa adkaynaysa ayaa ah inuu marka hore ahaa midka kaligii go’aansaday inuu Emirates yimaado iyadoo Unai Emery uu ahaa tababarihii dalbdayay sidaas darteedna Real ay ogolaatay inuu baxo sababtoo ah in Zidane uusan ku xisaabtamayn.

Real ayaan gabi ahaanba doonayn inay soo dhex gasho arrintan iyaga oo u kala baxay Ceballos iyo Gunners una sheegay inay xalka gaadhaan.

Xaalada Ceballos ayaa ka duwan midii Jesus Vallejo kaas oo fursad ka waayay Wolves kaddibna ay Los Blancos soo dhex galeen iyagoo ka shaqeeyay qaabkii uu kaga baxay ee uu ugu wareegay kooxda Granada.

Waxa ugu weyn ee haatan werwerka ku haya Dani ee uu u doonayo inuu iskaga baxo Arsenal ayaa ah inuu u baqayo booskiisa xulka Spain ee Euro-da sanadkan la qaban doono.

Si kastaba ha ahaatee, Iyadoo ay maalmo koobani ka hadheen suuqa kala iibsiga ayaysan Arsenal diyaar u ahayn inay u ogolaato inuu ku biiro kooxo ay ugu horreyso Valencia oo doonaya inay la saxeexdaan inta xilli ciyaareedka ka hadhay.

Advertisements