Luis Suarez, Lionel Messi Iyo Gerard Pique Oo Carruurtooda Kula Raaxaystay Taaraboonka Camp Nou-Kumuu Ahaa Xidigii Ka Yaabsaday?

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo ay wehelinayaan saaxiibadiisa Luis Suarez iyo Gerard Pique ayaan qayb ka ahayn kulankii xalay ee Copa Del Rey ay kooxdoodu guusha wayn ka gaadhay Cultural Leonesa laakiin taas badalkeeda waxay carruurtooda siiyeen fursad wayn oo ay Camp Nou kula soo fadhiisteen.

Lionel Messi, Gerard Pique iyo Luis Suarez ayaa caruurtooda la soo fadhiistay taaraboonka Camp Nou si ay sacabka ugu garaacaan ciyaartoyda kooxdooda ee kulankii kooxda Cultural Leonesa ee Copa Del Rey iyada oo ay jireen isbadalo badan oo uu Valverde sameeyay.

Laakiin waxaa jiray hal ciyaartoy oo Valverde, jamaahiirta iyo xidigaha taaraboonka kulankan ka daawanayay si wayn uga yaabsatay kaas oo uu waliba Valverde rajeeyay in waxa uu sameeyay ay noqoto bilawgii balse ayna noqon wixii ugu fiicnaa ee uu sameeyay.

Da’yarka Riqui Puig ayaa helay fursad uu xalay ugu soo bilawday shaxdii Valverde laakiin wixii Camp Nou ka sameeyay ayaa cid kasta oo Barcelona ka tirsan farxad galisay isaga oo muujiyay sida ayna wali xaruntii La Masia u burburin balse ay u soo saarayso xidigo mustaqbal wayn kubbada cagta ku leh.

Riqui Puig ayaa bandhig wayn ka sameeyay Camp Nou kulankiisii ugu horeeyay isaga oo taageero ka helay jamaahiirta kooxdiisa ee ay ka midka ahaayeen Lionel Messi, Luis Suarez iyo Gerard Pique laakiin waxa uu Riqui Puig sameeyay hal gool caawin isaga oo muujiyay in dhawaan lagu soo dalacsiin doono kooxda kowaad.

Tababare Valverde oo dareenkiisa ka hadlay markii uu arkay wixii uu Riqui Puig ka sameeyay kulankii Copa Del Rey ayaa yidhi: “Anagu waanu ku faraxsanahay isaga. Tani waa talabaadii ugu horaysay ee waayo ciyaareed oo dheer. Isagu (Riqui Puig) waa ciyaartoy aan isqarin kaas oo markasta kubbada doonaya, laakiin waxaa waajib ah in aad isaga samir u yeelato”.

Lionel Messi iyo asxaabtiisa taaraboonka Camp Nou ka daawanayay kulankii Copa Del Rey ayaa fursad cajiib ah siiyay caruurtooda oo aan helin fursad ay waalidkooda kulan Camp Nou ugula daawan karaan.

Si kastaba ha ahaatee, Lionel Messi, Gerard Pique  iyo Luis Saurez si la mid ah Sergio Busquets iyo Jordi Alba ayaa isku diyaarin doona kulanka Catalan Derby ee Espanyol kadib markii ay waqti ay ku nastaan heleen waxaana la filayaa in Suarez uu taam noqon doono.