Luis Enrique Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Ee Kulanka Real Betis, Ayaa Maqan Ayaase Liiskan Ku Soo Baxay?

Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee uu ula safrayo kulanka Real Betis ee horyaalka La Ligaha. Barcelona oo qaab ciyaareed fiican ku soo jirtay kulamadii ugu danbeeyay ayaa imtixaan adag ku soo mari doonta magaalada Seville hakaas oo ay kula soo ciyaari doonto kooxda Real Betis.

Waxaa liiska Barcelona ee kulanka Real Betis ka maqan saddexda xidig ee dhaawac kaga maqan kooxda Luis Enrique ee  Andrés Iniesta, Sergio Busquets iyo Rafinha  laakiin goolhayaha saddexaad ee  Jordi Masip ayaa ah xidiga kaliya ee taam ah oo aanu Enrique kooxdiisa ku soo darin. Marc-André ter Stegen oo la nasiyay kulankii Real Sociedad ee Copa Del Rey ayaa dib loogu yeedhay.

Ma jiro ciyaartoy kale oo dhaawac ama ganaax kaga maqan barcelona iyada oo  Luis Enrique uu wali haysto koox uu ka soo xulan karo shaxdiisa ugu fiican. Denis Suarez ayuu Enrique sheegay in u badal u noqon karo Iniesta kadib markii uu labadii kulan ee ugu danbeeyay uu saddex gool soo dhaliyay.

Liiska Barcelona ee Kulanka Real Betis: Ter Stegen, Jasper Cillessen, Gerard Piqué, Ivan Rakitic, Denis Suárez, Arda Turan, Luis Suárez, Leo Messi, Neymar Júnior, Javier Mascherano, Paco Alcácer, Jordi Alba, Lucas Digne, Sergi Roberto, André Gomes, Aleix Vidal, Samuel Umtiti iyo Jeremy Mathieu.

Comments

comments