Loris Karius Oo Markale La Kulmay Dhaleeceen Layaab Leh, Sababa La Xidhiidha Qaladaadkii Uu Ka Sameeyay Kulankii Finalka Ee Champions League.

Finalkii Champions League ayaa gabi ahaanba soo idlaaday, Real Madrid ayaa 3-1 ku garaacday Liverpool, si ay ugu guuleysato koobkeedii 13-aad ee taariikhdeeda kulankii sabtidii lasoo dhaafay  ka dhacay dalka Ukraine caasimadiisa Kiev, laakiin waxaan wali dhamaanin dhaleeceenta uu helayo goolhaayaha kooxda Reds ee Loris Karius, waxayna u muuqataa in aysan dhamaan doonin

Loris Karius ayaa qaadanaya mas’uuliyada guuldaradii Liverpool kaga soo gaartay Real Madrid 3-1, kadib markii uu sameeyay laba qalad ee nacasnimo ah inta lagu gudi jiray kulankii finalka ee ka dhacay dalka Ukraine gaar ahaan caasimadiisa Kiev, qaladka koowaa ayaa wuxuu ku hor sameeyay Karim Benzema oo dhaliyay goolka koowaad ciyaarta, halka qaladka labaad uu ahaa mid qosol badan kadib markii ay ka dhalatay kubad uu meel fog kasoo toogtay xidiga reer Weles ee Gareth Bale.

Laakiin Loris Karius ayaa wuxuu markale helay weerar maadsi ah ee ku aadan baraha bulshada,waxaana markan loo adeegsaday qaab cusub si loogu maadeysto goolhaayaha reer Germany.

Gacan gashiga goolhaaye Loris Karius ayaa loo sameeyay duleel weyn ee loo adeegsaday laadkii xooganaa ee Gareth Bale, sidoo kale waxaa jira qaar kaloo badan  ee dhaleeceeno u diraya goolhaayaha reer Germany kadib dhacdadii finalka Champions League.

Qalabka Gacan gashiga ee Loris Karius ayaa lasoo dhigay baraha bulshada iyadoo lagu iibinayo qiimo jaban waxaana lasoo raaciyay qoraal ah: “Qalabka gacan gashiga ee Loris Karius uu xirnaa finalka Champions League qiyaasta waa 10..xaalada waa mid la isticmaalay”.