Looma Kala Hadhin – DAAWO Taageere Barcelona Ah Oo Kasoo Xaadiray Santiago Bernabeu Si Uu U Daawado Soo Bandhigista Eden Hazard.

Kooxda Real Madrid ayaa xalay si rasmi ah saxaafada iyo jamaahiirta kooxdeeda ugu soo bandhigtay saxeexa cusub ee kooxdeeda ee Eden Hazard oo ay 100 Milyan iyo dheeraad kagala soo wareegeen Chelsea.

Hazard ayay u ahayd maalin weyn oo khaas ah waxaana uu rumeeyay riyadiisii uu in badan warbaahinta u sheegi jiray ee ahayd in kooxda kaliya ee ku qasbi karta inuu ka hayaamo Chelsea ay ahayd Madrid.

Hazard ayaa kusoo aadaya xilli kooxdiisa cusubi ay kasoo baxday xilli ciyaareedd xanuun badan lagana sugayo inay jawaab cadaan ah bixiso xilli ciyaareedka dambe.

Luka Jovic, Eder Militao iyo Ferland Mendy ayaa sidoo kale ah shaqsiyaadka ay Los Blancos haatanba lasoo saxeexatay iyadoo suuqu wali bilaw yahay waxaana ay ilaa haatan suuqa galiyeen lacag 300 Milyan iyo ka badan ah.

Haddaba, Santiago Bernabeu ayay soo buux dhaafiyeen jamaahiir badan oo isku diyaarinaya soo dhawaynta Hazard waxaana jamaahiirtaas kasoo dhex muuqday shaqsi ku labisan maaliyada Barca ahna taageere kooxdaas ay Real wada loolaman ah.

Shaqsigan ayaa kaddib markii uu dhex galay taageerayaasha Real Madrid si uu u daawado soo bandhigista Hazard waxa bar-tilmaameed ka dhigtay jamaahiirta taas oo ku qasabtay inuu maaliyada iska siibo kaddib uu sacab badan helo.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalkan