Lixda Saxeex Ee Ugu Fiican Ee Suuqa Iibka Xagaagan Ay Kooxaha Yurub Samayn Doonaan Oo La Saadaaliyey

Shaki badan ayaa dul-hoganaya suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagan, waxaana naadiyadu ay lumiyeen awooddii dhaqaale ee ay kaga adeegan jireen xagaaga si ay isku oxojiyaan, sababtuna waa in caabuqa Korona uu dhulka la galay dhaqaalihii adduunka iyo midkii kooxahaba.

Inkasta oo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagan uu ka aamusnaan doono sida kuwii hore, haddana waxa  jiri doona ciyaartooyo waaweyn oo muddo badan bartilmaameed u ahaa kooxaha qaarkood oo lala kala wareegi doono.

Chelsea ayaa hawl-gal ay samaysay bishii January waxay kaga sii faa’iidaysatay suuqa iyadoo heshiis la gaadhay Hakim Ziyech oo Jax ah, isla markaana bisha July ka degi doona magaalada London, laakiin Liverpool, Real Madrid iyo naadiyo kale oo iyaguna dhaqdhaqaaq waday ayaan helin laacibiintii shiishku u saarnaa.

Suuqa iibka ee soo socda, waxa hadal-haynta ugu badan ay ka taagnaan doontaa lix ciyaartoy oo ay kooxuhu ku dagaallami doonaan, sida uu saadaaliyey wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, waxaanay noqon doonaan kuwo ku lug yeesha Manchester City, Bayern Munch, RB Leipzing, Liverpool, Real Madrid, Rennes, Barcelona, Inter Milan iyo Atletico Madrid.

Timo Werner iyo Jurgen Klopp

Jurgen Klopp ayaa doonaya in Liverpool uu keeno weeraryahanka Timo Werner inkasta oo ay Bayern Munich ka xod-xodanayso, balse laacibkan ayaa caddeeyey inuu doonayo inuu bannaanka uga baxo Bundesliga.

Inter ayaa sidoo kale xiisaynaysa Werner si ay beddel ugaga dhigto Lautaro Martinez, waxaase ay u badan tahay inuu tegi doono Anfield.

Leroy Sane oo Jarmalka tegaya

Manchester City ayaa halis ugu jirta inay weydo garabkeeda weerarka ee Leroy Sane oo la sheegayo inuu heshiis shaqsi ah la gaadhay Bayern Munich.

Bishii January ayay Munich soo bandhigtay sida ay u doonayso inay laacibkan ka iibsato City markaas oo uu ku dhowaa inuu kasoo laabto dhaawac uu muddo dheer  ku maqnaa, inkasta oo aanay waxba hirgelinna, waxa uu Sane ku jiraa laacibiinta la saadaalinayo inay kooxahooda beddeli doonaan.

Lautaro oo Lionel Messi garabkiisa istaagaya

Lautaro ayaa lala xidhiidhinayaa Barcelona, waxaana suuqa ku jirta in wax kasta ay kooxda reer Spain diyaar la tahay inkasta oo dhibaato dhaqaale ay jirto.

Inter Milan ayaa ku adkaysanaysa inaanay fasaxayn laacibkan illaa loo gaadho qiimaha lagu burburin karayo heshiiskiisa, hase yeeshee Blaugrana ayaa ku kalsoon inuu laacibka reer Argentine ka garab ciyaari doono Lionel Messi oo ay isku waddan yihiin, isla markaana uu la wareegi doono booska Luis Suarez oo xilli ay da’diisu weynaatay ay dhaawacyo culus gaadheen.

Miralem Pjanic oo Arthur Mello la isku beddesho

Pjanic ayaa diiradda Barcelona ay haystaa, waxaana xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Juventus iyo kooxda reer Spain uu sahli doonaa inuu dhaco heshiis wanaagsan oo labadooduba ku qanacsan yihiin.

Waxa miiska saaran qorshe ay Barcelona soo dhigtay oo ah in Pjanic iyo Arthur ay isku beddeshaan.

Eduardo Camavinga: Casemiro kale oo ay Real Madrid sudhatay

Camavinga oo ah 17 jir wacdaro ka dhigay kooxdiisa Rennes ee ka dhisan waddanka Faransiiska, waxa uu soo jiitay dareenka kooxaha ugu waaweyn Yurub oo ay hormood u tahay Real Madrid oo saxeexiisa raadinaya.

Da’yarkan ayaa uu Zinedine Zidane aad u doonayaa inuu keeno Santiago Bernabeu isaga oo u arka inuu yahay beddelka Casemiro.

Mohamed Salisu oo ku biira ciidanka Diego Simeone

Atletico Madrid waxay doonaysaa Salisu oo difaaca uga ciyaara Real Valladolid, waxaanay wararku sheegayaan in laacibkan aadka loo tixgeliyo ee hibada sare leh ay Los Rojiblancos ku doonayso 12 milyan oo Euro.

Atletico waxa ay marka hore isku dayi doontaa inay ku hesho amaah xili ciyaareedka soo socda, kaddibna ay lacagta shubto, laakiin waxa aan la ogeyn halka ay Valladolid istaagi doonto.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook