Lixda Koox Ee Ugu Weyn England Oo Dilay Qorshe Lagu Balaarin Lahaa Champions League Taasoo Baabi’in Laheyd Koobka Carabao Cup

Kooxaha ugu waa weyn horyaalka Premier League ayaa dilay qorshe la doonayay in lagu balaariyo Champions League kaasoo gabi ahaanba baabi’in lahaa koobka League Cup ee haatan loo yaqaano Carabao Cup.

Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA iyo ururka kooxaha kubada cagta Yurub ee ECA ayaa doonayay inay sameeyaan tartan Champions League oo cusub oo la ciyaarayo 14 group.

Lixda kooxood ee ugu waa weyn England ayaana hogaamiyay dagaal looga soo horjeedo qorshahaas, iyadoo wafdiga England ay u hadleen madaxda Manchester United iyo Chelsea ee Ed Woodward iyo Bruce Buck sida ay sheegtay The Sun.

Kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Geneva ee dalka Switzerland madaxda uruur kooxaha kubada cagta Yurub ECA ayay ku qirteen inay ku guuldareysteen qorshahooda.

Mid ka mid ah madaxda kooxaha Ingariiska ayaa u sheegay The Sun: “Ma jiro heshiis laga gaaray wax qorshe ah.

“Midkoodna fekradihii miiska la soo saaray ma aheyn kuwa la aqbali karo.

“Waxaan dhamaanteen dooneynaa lacag badan, waxaan isla ogolaanay in isbedel loo baahan yahay.

“Laakiin qorshaha haatan la wado ma heysto taageero sax ah sidaasi darteed waa inay dib isagu laabtaan oo ay fekeraan mar kale.”

Madaxa maamulka United Woodward iyo gudoomiyaha Chelsea Buck ayaa hogaamiyay wafdiga Premier League ee shalay ka qeyb galay kulanka ECA oo ay xubno ka yihiin 232 kooxood.

Waxay ka digeen in sida kaliya ee lagu balaarin karo Champions League inay tahay in la baabi’iyo mid ka mid ah koobabka maxaliga ah.

Waxayna taasi noqon laheyd in la baabi’iyo koobka League Cup ee loo yaqaano Caraboa Cup kaasoo ay lacag ku helaan kooxaha heerka hoose oo fursad u hela inay la ciyaaraan kooxaha Premier League.

Madaxa ECA ayaa rajeynayay inay qorshaha cusub ee lagu balaarinayo Champions League ay meel mariyaan kulankii shalay, laakiin caqabada ayaa noqotay in kulamo badan oo la ciyaaro Champions League inay keeneyso in kooxaha ay yareeyaan ka qeyb qaadashada koobabka maxaliga ah.

Ilo wareedyo ay la hadashay The Sun ayaa yiri: “Waxaa la isku raacay in isbedel loo baahan yahay, laakiin ma garaneyno waxa uu isbedelkaas noqon karo.”