Liverpool Oo Xiddig Dhawaan Kahor Yimid U Dooratay Bedelka Fabinho & Jacaylkii Uu Horeba Ugu Muujiyay Imaatinka Anfield.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay durtaba qorshaysatay bedelka khadka dhexe ee kooxdeeda ee Fabinho, Walow uusan mudo dheer maqnaan doonin haddiiba uu dhaawaciisu sii dheeraado oo uu wakhtiga la filayo dhaafo.

Xiddiga bartilmaameedka u ah Liverpool ayaa lagu sheegay inuu yahay khadka dhexe ee kooxda ku guuleysatay horyaalka Belgium ee Genk oo lagu magacaabo Sander Berge isla markaana dhawaan Liverpool heerka Group-yada ee Champions League ku wajahay.

21 sano jirkan sida weyn loo qiimeeyo ayaa u muuqda midka iskaga dhaqaaqaya kooxdiisa xagaaga soo socda maadaama kaliya 18 bilood ay ka hadheen qandaraaskiisa haatan ee Genk.

Waxa xusid mudan in Berge uu horeba jacayl ugu soo muujiyay Liverpool kaddib markii uu riyo ku sifeeyay ku ciyaarista gegida Anfield oo uu dhawaanba ku ciyaaray isaga oo marti ah.

Advertisements

Xiddiga loo qalqaalinayo inuu booskiisa sii buuxiyo ee Fabinho ayaan kasoo horreyn doonin sanadka cusub kaddib dhaawacii ku gaadhay kulankii Napoli ee toddobaadkan.

Haddiiba ay tababare Jurgen Klopp iyo madaxda sarre ee kooxdu go’aansadaan u dhaqaaqista saxeexa Sander Berge ee suuqa January ayay u baahan doonaan inay 18 Milyan kasoo bixiyaan.

Ugu dambayn, Iibka Berge ayaan ahayn xalka kaliya ee uu haysto Klopp waxaana uu samayn karaa inuu isbedelo ku sameeyo khadadka dhexe ee uu haatanba kooxda ku haysto sidii uu horeba u samayn jiray Fabinho kahor.

Advertisements