Liverpool Oo Xasuuq Wayn U Gaysatay Kooxda Chester FC, Fabinho & Naby Keita Oo Reds U Saftay Xili Daniel Sturridge Iyo Harry Wilson Ay Min Laba Gool Dhaliyeen.

Liverpool ayaa guul wayn ku furatay kulamada xili ciyaareedka ka horeeya iyada oo Reds guuldaro wayn oo 7-0 ah u gaysatay kooxda Chester FC. Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa markii ugu horaysay fursad u helay in ay daawadaan saxiixyada cusub ee Fabinho oo kulankan shaxda Klopp ku soo bilawday iyo Naby Keita oo kaydka soo baxay.

Daniel Sturridge iyo da’yarka Harry Wilson ayaa kulankan min laba gool ka dhaliyay halka Danny Ings, James Milner, Ryan Kent ay min hal gool kulankan ka dhaliyeen wuxuuna haddaba Klopp sii kala tijaabinayaa ciyaartoyda da’yarta ah ee uu xili ciyaareedka cusub fursad siin karo.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Liverpool: Karius; Clyne, Gomez, Phillips, Moreno; Fabinho, Jones, Woodburn; Wilson, Solanke, Origi

Kaydka: Ward, Robertson, Klavan, Chirvella, Camacho, Milner, Keita, Kent, Ojo, Ings, Sturridge

Chester: Shenton; Smalley, Moran, Howson, Pritchard; Roberts, Burton, Stopforth, Mahon; Hughes, Archer

Kaydka: Mooney, Brown, Trialist, Hellawell, Thomson, Murray, Downes, Trialist, Noble, Marsh-Hughes

Liverpool waxaa goolasha daadka ahaa u daah furay da’yarka Harry Wilson oo kulankan si wayn iskugu muujiyay isla markaana Klopp ku qasbaya in uu xili ciyaareedka cusub fursad ka siiyo kooxda kowaad laakiin Fabinho ayaa birta u garaacay Cheter FC daqiiqadii 29 aad ee qaybtii hore ee kulankan.

Dhamaadkii qabtii hore ee ciyaarta da’yarka Harry Wilson ayaa markale dhaliyay goolkiisa labaad ee kulankan si uu kooxdiisa Reds u siiyo hogaan 2-0 ah intii aan qaybtii hore la soo gaba gabayn isla natiijadan ayaan aqaybtii hore lagu kala nastay.

Laakiin qaybtii labaad ee ciyaarta ayay ciyaartoyda Liverpool goolasha iskugu faaneen kadib markii ay burburiyeen kooxda Chester FC. Isla markii qaybtii labaad lagu soo laabtay James Milner ayaa Liverpool u dhaliyay goolka saddexaad kaas oo ahaa rekoodhe waxayna markan Reds xaqiijisatay guusha ay ku furtay kulamada xili ciyaareedka ka horeeyay laakiin wali gooasha ayaa sii socoday.

Daqiiqadii 54 aad Daniel Sturridge oo qaybtii hore kaydka ku jiray ayaa jamaahiirta kooxdiisa Liverpool isku xusuusiyay goolka afraad kadib xili ciyaareedkiisii ugu xumee ee la soo dhaafay oo uu doonayo in uu ka soo kabsado wuxuuna  Sturridge ciyaarta ka dhigay 4-0 ay Reds ku xasuuqayso Chester.

Daqiiqadii 57 aad da’yarka kale ee amaahda ka soo laabtay ee Ryan Kent oo ka mid ah ciyaartoyda mustaqbalka fiican ku leh kubbada cagta ayaa Liverpool u dhaliyay goolka shanaad halka Danny Ings uu daqiqiadii 81 shabaqa ku taabtay goolka lixaad ee kooxdiisa Liverpool.

Daqiiqadii 88 aad Daniel Sturridge ayaa gooliisa labaad iyo kan 7 aad ee kooxdiisa Liverpool ciyaarta ku soo xidhay waxayna ugu danbayn Reds ku gumaaday kooxda Chester 7-0 iyada oo kulamada xili ciyaareedka ka horeeya guul wayn ku furatay.