Liverpool Oo Wali Faa’ido Ku Qabta Philippe Coutinho Iyo Heshiiskii Uu Dhawaan Ugu Biiray Bayern Munich Oo U Sahlaya Inay Xiddig Hibo Leh Helaan.

Philippe Coutinho waxa uu sanadkii 2018 horraantiisii ka tagay kooxdiisii hore ee Liverpool balse waxa uu wali u muuqdaa mid faa’ido dadban u leh gaar ahaan heshiiska uu ugu biiray dhawaan Bayern Munich.

Heshiiskaas ayaa sahli doona in Liverpool ay hesho da’yarka kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz kaas oo sidoo kale bar-tilmaameed mudo dheer ah usoo ahaa Bayern oo raadinaysa bedelka Thomas Muller oo u muuqda mid galay wakhtigiisii hoos u dhaca.

Why Philippe Coutinho's Bayern Munich move could help Liverpool sign 2020 transfer target

Bayern Munich ayaa heshiis hal sano ah kula soo wareegtay Coutinho balse waxa intaas kahor lala xidhiidhinayay ku laabashada Liverpool iyo waliba ka dheelista markale ee Premier League waxaana dhinacooda ka doonayay Arsenal iyo Tottenham.

Si kastaba, Sida uu haatan sheegayo The Athletic, Bayern ayaa heshiiska Coutinho ka dhigi karta mid rasmi ah xilli suuqa dambe taas oo la micno ah inaysan xiisihii hore u muujin doonin Havertz.

Havertz ayaa ah da’yar aad loo qiimeeyo oo wacdarro kusoo dhigay kooxdiisa Bayer Leverkusen waxaana uu bar-tilmaameed u yahay Liverpool xagaaga 2020.

Da’yarkan ree Germany ayaa halka ugu sarreysa kaga jiray liiska xiddigaha laga doonayay Allianz Arena balse inay haatan Bayern gacanta kusoo dhigtay Coutinho ayaa soo koobaysa xiisahoodii.

Dhinaca kale ilo wareedyo badan oo ka imanayay Germany ayaa horraantii xagaagan sheegayay in Liverpool ay tahay mid kamida kooxaha xiisaynayay Kai Havertz.

Liverpool ayaa ku fashilantay inay xagaagii dhawaa samayso wax saxeex ah oo weyn kaddib markii ay £250 Milyan bixiyeen sanadkii 2018 balse sanadka soo socda ugu horreyn bisha January ama xagaaga Reds ayaa samayn kara saxeexa Havertz.