Liverpool Oo Tallo Lagu Siiyay In Ay Cid Walba Kaga Sare Maraan Saxiixa Matthijs De Ligt Si Ay U Noqdaan Kuwo Aan La Joojin Karin.

Jurgen Klopp iyo kooxdiisa Liverpool ayaa lagula taliyay in ay wax walba u sameeyaan saxiixa kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt si ay difaaca dhexe ee Reds ugu midoobaan xidiga ay isku xulka Holland yihiin ee Virgil Van Dijk.

Xidigii hore ee xulka England isla markaana kooxo badan oo Premier league ah ka soo ciyaaray ee Darren Bent ayaa Liverpool kula taliyay in ay cid walba kaga sare maraan lacagta lagu doonayo Matthijs de Ligt si uu lamaane difaac ula noqdo Virgil Van Dijk.

Darren Bent oo in Liverpool Wax walba u hurto De Ligt ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaa laga yaabaa in ay u baxaan oo ay cid walba kaga saramaraan  oo ay helaan De Ligt oo ah Virgil xidiga ay isku kooxda holland yihiin”.

“Haddii ay maamuli karaan in ay midkaas soo jiidaan oo ay awoodi karaan in labadaasi (Van Dijk iyo De Ligt) ay wada ciyaari karaan, taasi waxay noqon kartaa cajiib” ayuu Darrent Bent hadalkiisa raaciyay.

Darren Bent oo ka hadlaya waxa ay Liverpool haysato ayaa yidhi: “Waxaad ku faraxsan tahay waxa aad haysato, markastaba waxaad awoodi kartaa in aad meel kasta xoojin ka samayn karto. Halkee?, ma ogid xaqiiqdii weerarkoodu cajiib ayuu ku socdaa”.

“Khadka dhexe waxa uu u muuqdaa in ay halkaas kuwo badan oo ciyaari kara ku haystaan. Wijnaldum, Naby Keita, Jordan Henderson kadib waxaa soo galaya James Milner.

Darren Bent oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Sida cad waxay difaaca ku haystaan, Virgil, Matip, Lovern, Andy Robertson, Gomez, Trent Alexander-Arnold, daacad ahaantii meelkastaba ciyaartoy ayay ku haystaan” ayuu Darren Bent sharaxadiisa sii raaciyay.

Intaas kadib Darren Bent ayaa ka hadlay waxa uu Klopp ka filayo wuxuuna yidhi: “Anigu waan hubaa in ugu dhawaan uu Jurgen Klopp wax eegayo. Waqti xaadirkan waxaad sheegi kartaa in ay awood buuxda yihiin, laakiin waxaan hubaa in Jurgen Klopp uu ugu dhawaan eegayo hal ama laba meelood halkaas oo uu kab badan uga baahan yahay”.

“Iyada oo Daniel Sturridge uu tagayo waxaa laga yaabaa in uu gool dhaliye kale u baahdo si uu u caawiyo Firmino, laga yaabaa in uu halkaas eegi karo, laakiin waxa aan taas ka ahayn way adag tahay”.