Liverpool Oo Tababar Ku Qaadatay Jewiga Diirran Ee Waddanka Spain Ka Hor Ciyaarta Finalka Champions League ee Real Madrid

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa tababarkeedii u horreeyey ku qaadatay waddanka Spain oo ay gaadhay shalay, halkaas oo jewiga diirran ee ka jira ay ku samaynayso carbis ay ugu diyaar garoobayso ciyaarta finalka Champions Leeague ee toddobaad kaddib ay iskaga hor iman doonaan Real Madrid.

Ciyaaryahannada Liverpool oo dhamaystiran ayaa subaxnimadii hore ee Khamiista u kacay tababarka ay ku qaadanayaan Marbella oo ku taalla Koonfurta waddanka Spain oo ah meel diirran, waxaana ciyaaryahannada oo uu hormood u  yahay Mohamed Salah ay muujiyeen inay ku faraxsan yihiin cimilada halkaas ka jirta.

Tababare Jurgen Klopp iyo ciyaaryahannadiisa ayaa isla markii ay gaadheen Marbella waxa ay u dhaqaaqeen inay ku raaxaystaan jewigan oo ay muddo ka hor ugu dambaysay, iyagoo kaxaystay baaskiilado ay dariiqyada iyo meelo kale ku wareegeen, kaas oo ay ka dhiganayeen jimicsi.

Mohamed Salah iyo laacibiinta ay afka hore ee Liverpool wadaagaan ee Mane iyo Firmino ayaa wakhti jimicsi, orod iyo iskulayn ah ku sameeyey garoonka gudihiisa, halka Dejan Lovren, virgil van Dijjk iyo da’yarka Arnold ay si gaar ah u qaateen tababar u badnaa jimicsi.

Xiddigaha kale ee kooxda ayaa dhamaantood si guul leh u qaatay tababarka, waxaana ka mid ah liiska xiddigaha Liveprool ee Marbella tegay laacibka khadka dhexe ee Emrey Can oo muddo dhaawac ku maqnaa, illaa haddana aan la ogeyn inuu ciyaari doono kulanka finalka iyo in kale.