Liverpool Oo Lagula Taliyay In Ay Si Xor Ah ULa Soo Saxiixdaan Dani Alves Oo Wacdaro Ka Dhigaya Copa America.

Liverpool ayaa lagula taliyay in ay dhamaystiraan saxiixa mid ka mid ah ciyaartoyda xulka qaranka Brazil ugu muhiimsan waqti xaadirkan ka soo caawiyay in ay soo gaadheen finalka Copa America ee dalkoodu marti galinayo.

Liverpool ayaan wali saxiixyo muhiim ah samayn iyada oo maanta oo sabtida ah ay kooxda Jurgen Klopp dib ugu soo laabanayso xarunta tababarka ee Melwood. 16 xidig oo ay da’yar badani ku jiraan ayaa maanta ka soo xaadiri doona xarunta tababarka si ay diyaar garowga xili ciyaareedka cusub Reds u bilaabto.

Liverpool ayaa lagu taageeray in ay si lama filaan ah u la soo wareegaan xidiga sida xorta ah lagu heli karo ee Dani Alves kaas oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka baxay kooxdiisii Paris Saint-Germain.

Alves ayaa indhaha kubbada cagta aduunka soo jiitay intii uu socday koobka qaramada South Amerca ee Copa America gaar ahaan kulankii Argentina oo uu noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu bandhig layaableh xulkiisa kaga caawiyay in ay u soo baxeen finalka Copa America.

Xidigii hore ee xulka qaranka Brazil ee José Kléberson oo hore koobka aduunka ugu soo guulaystay ayaa Liverpool ku taageeray in ay Dani Alves si xor ah kula wareegto.

José Kléberson oo ka hadlaya Alves ayaa yidhi: “Anigu waxaan doonayay in Dani Alves uu igula soo biiro MLS, isagu waa ciyaartoy cajiib ah oo leh tayo layaableh”.

José Kléberson oo ka hadlaya sida Alves uu Liverpool ugu haboon yahay isla markaana uu Jurgen Klopp ku jeclaysan karo ayaa yidhi: “Anigu waxaan dareensanahay in laga yaabo in uu si fiican ugu haboon yahay Liverpool oo uu Klopp jeclaysan karo isaga ee ka hanaanka ciyaartoy ahaaneed”.

“Isagu waa mid aad xirfad u leh, deg deg badan isla markaana dabiici layaableh u leh ciyaarta. Isagu waa guulayste” ayuu José Kléberson hadalkiisa raaciyay.

Dani Alves ayaa qarka u saarnaa in uu Liverpool ku soo biiro ka hor intii aanu Barcelona u wareegin laakiin Reds ayaa ka mid ah kooxaha badan ee haysta fursada ay sida xorta ah ugula wareegi karaan mid ka mid ah ciyaartoyda abid ugu koobabka badan.

Dani Alves oo kabtan looga dhigay xulka qarankiisa Brazil ee finalka Copa America soo gaadhay ayaa muujiyay sida aanu wali hoos ugu dhicin qaab ciyaareedkiisii  waxayna Brazil axada finalka Copa America kula ciyaari doonaan Peru oo ay 5-0 ku soo xasuuqeen kulankii heerka groupyada ee isla tartanka Copa America.