Liverpool Oo Shaacisay Liiska 23ka Xiddig Ee U Safray Turkiga Ee Wajahaya Chelsea Kulanka UEFA Super Cup Iyo Hal Xiddig Oo Ka Maqan

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay 23ka ciyaaryahan ee uu u kaxeysanayo koobka UEFA Super Cup ee ay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kula ciyaarayaan kooxda Chelsea.

Kooxda Klopp ee hanatay Champions League ayaa wajaheysa kooxda Lampard ee Blues kuwaasoo Europa League ka qaaday Arsenal kulanka habeen danbe ka dhacaya Turkiga.

Ciyaartoyda Reds ayaa ka duulay saaka garoonka diyaaradaha John Lennon ee magaalada Liverpool waxaana ciyaartoyda safreysa qeyb ka ahaa goolhayaha khibrada leh Andy Lonergan oo ku dhow inuu heshiis waqti kooban ah u saxiixo Anfield.

Waxaa liiska ka maqan Dejan Lovren iyadoo daafaca uu ku maqan yahay sida la sheegay xanuun inkastoo lala xiriirinayo inuu heshiis 15 milyan ginni ah ugu wareegayo kooxda Talyaaniga ee AS Roma.

Goolhaye Lonergan ayaa la filayaa inuu noqdo goolhayaha keydka ee Liverpool ka dib markii uu Klopp xaqiijiyay in goolhayihiisa koowaad Alisson Becker inuu garoomada ka maqnaanayo isbuucyada soo socda.

Adrian oo ah si xor ah kula soo wareegeen xagaagan ayaa ku soo bilaaban doona kulanka UEFA Super cup ee ay la ciyaarayaan kooxda ay England ku xafiiltamaan ee Chelsea, iyagoo goolhayaha da’da yar Caoimhin Keller uu noqon lahaa goolhayaha seddexaad balse dhaawac ayuu ku maqan yahay inkastoo uu qeyb ka yahay xiddigaha safray.

Xiddigaha Liverpool ee u safray Turkiga: Fabinho, Van Dijk, Wijnaldum, Milner, Keita, Firmino, Mane, Salah, Gomez, Adrian, Henderson, Oxlade-Chamberlain, Lallana, Lonergan, Shaqiri, Brewster, Robertson, Origi, Matip, Hoever, Kelleher, Alexander-Arnold, Elliot