Liverpool Oo Qarka U Saaran Saxeexeedii Labaad Ee Xagaagan Xilli Da’yar Aad Loo Qiimeeyo Ay Kaga Guuleysteen Kooxaha Real Madrid Iyo PSG.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ee Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay qarka u saaran tahay saxeexa da’yarka kooxda Fulham ee Harvey Elliott oo ay ku garaaceen kooxo waaweyn oo Yurub ah.

Klopp ayaa lagu sifeeyay mid ku qanacsan safka xiddigaha uu haatan ku haysto Liverpool isla markaan qaba inuu safkiisa haatan kaga guuleysan karo Manchester City horyaalka Premier League xilli ciyaareedka dambe balse taas ayaan ka joojin keenista da’yar tayo leh.

Elliot ayaa noqday xiddigii abid ugu da’da yaraa ee PL kasoo muuqda kaddib markii uu isaga oo jira 16 sano iyo 30 maalmood wajahay kooxda Wolves bishii May.

Tababaraha Fulham ee Scott Parker ayaa da’yarkan u sheegay rabitaankiisa ah inuu qandaraas cusub u saxeexo kooxda balse wada xaajoodkii ayaa noqday mid bur-buray taas oo dhalisay inay xiiso u muujiyaan koox dhawr ah oo Champions League qayb ka ah.

Kooxaha kala ah Real Madrid, PSG iyo RB Leipzig ayaa sidoo kale dhammaantood tartan ugu jiray Harvey Elliot balse Reds ayaa u muuqda kuwa hantiyay kaddib markii ay iyagu heleen xiisaha 16 jirkan.

Wargeyska The Telegraph ayaa soo tabiyay in Elliot oo aan xirfadle heer caalami ah noqon karayn ilaa uu 17 sano jirsado uu qorshaystay inuu bishan u wareego kooxda Anfield.

Walow uu heshiiskii da’yarkan ee Fulham haatan dhacay haddana Liverpool ayaa ku qasbanaan doonta inay kooxda tababare Parker siiso lacag magdhaw ah oo aan wali la isku waafaqin.

Si kastaba ha ahaatee, Siyaasada suuqan ee Liverpool iyo Klopp ayaa u muuqata mid aan wali dhaafin saxeexyada xiddigo aan si buuxda u meteli karin safkii kooxdooda ee xilli ciyaareedkii hore kusoo guuleystay Champions League.