Liverpool Oo Qalbiga Gashanaysa Inay Ku Guuleysan Doonto Premier League Xilli Ciyaareedkan 2019-2020 Kaddib isku Aadkii Maanta & Sababta Farxada U Dareemayaan.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii dhawaa aad ugu soo dhawaatay hanashada horyaalka waxaana ay kaliya hal kulan soo guuldaraysteen dhammaan 38-kii kulan ee xilli ciyaareedka.

Reds ayaa xilli ciyaareedka oo dhan kasoo helay 97 dhibcood balse waxa hal dhibic horyaalka ugaga guuleysatay kooxdii Pep Guardiola ee Manchester City taas oo la micno ah in sugitaanka Liverpool ee Premier League uu halkiisa kasii socon doono.

Si kastaba, Klopp iyo wiilashiisa oo kusoo guuleystay tartanka ugu qiimaha badan heer kooxeed ee UEFA Champions League ayaa isku diyaarin doona xilli ciyaareedka cusub oo ay kulamadiisa maanta heleen.

Kulanka koowaad ayaa noqon doona mid ay Liverpool 9-ka bisha August Anfield kusoo dhawayn doonto Norwich City waana kulanka furitaanka ee horyaalka ee xilli ciyaareedka 2019-2020.

Warka wanaagsan ee ay Liverpool helayso ayaa ah inay ku guuleysteen horyaalka markii ugu dambaysay ee ay kulanka furitaanka la ciyaareen Norwich oo ahayd xilli ciyaareedkii 1976-77.

Kulankaas ayay 1-0 guul kaga gaadheen Norwich balse sheekada xiisaha badan ayaa ah inay kooxdii xilli ciyaareedkan ka guuleysatay ee Man City xilli ciyaareedkaas 1976-77 hal dhibic kaga qaadeen horyaalka.

Kulamada u muhiimka ah xilli ciyaareedka Liverpool ayuu ugu soo horreeyaa midka ay October 19 Man United ku booqan doonaan Old Trafford kahor inta aysan Anfield kula kulmin October 19.

Kulanka hore ee Merseyside Derby ee Everton ayay Anfield kuwada yeelan doonaan  December 4 halka lugta dambe Goodison Park lagu dheeli doono March 14.

9-ka Novenber ayaa sidoo kale ah maalinta ay kooxda Klopp Anfield ku qaabili doonto Man City iyadoo wareega dambe ee Etihad uu ku suntan yahay April 4.

Saddexda kulan ee u dambeeya ayaa ah kuwo sidoo kale muhiim ah waxaana ay Liverpool mari doontaa Arsenal iyo Chelsea oo isku xiga kahor inta aysan kulanka ugu dambeeya la yeelan Newcastle United.