Liverpool Oo Maanta U Duulaysa Spain, Goobta Ay Finalka Champions League Ugu Diyaar Garoobayaan Iyo Xidig Haddaba Goobtan Ku Sugan.

Liverpool ayaa maanta oo isniin ah u duulaysa dalka Spain halkaas oo ay ka bilaaban doonaan diyaar garowga finalka Champions League Ee Tottenham.

Kadib markii ay Liverpool dhamaysatay horyaalka Premier League waxa uu Jurgen Klopp ciyaartoyda kooxdiisa siiyay shan maalmood oo fasax ah si ay uga soo kabsadaan daalkii Premier league.

Ciyaartoyda kooxda Liverpool ayaa fasaxa la siiyay uga faa’iidaystay in ay barri dhexe iyo Yurub ugu kala baxeen laakiin hadda waxay diyaar u yihiin in ay dareenkooda ku soo jeediyaan finalka Champions League.

Laakiin maanta waxay ciyaartoyda Liverpool iyo shaqaalaha tababarku u duuli doonaan dalka Spain oo ah halka lagu qaban doono finalka Champions League ee sanadkan.

Safarka Liverpool ee Spain xidhiidh lama laha in finalka Champions league dalkan lagu qabanayo balse waa mid soo jiray sanadihii ugu danbeeyay iyada oo Klopp uu waqtiyo badan kooxdiisa geeyay cimilada diiran ee Spain.

Liverpool ayaa ka degi doonta magaalada  Marbella ee Costa del Sol oo dhacda koonfurta dalka Spain halkaas oo ay sanadihii ugu danbeeyay tababar ku soo qaadanayeen.

Heer kulka Costa del Sol  ayaa u dhexeeya 23 degrees ilaa 28 degrees, wuxuuna Klopp aaminsan yahay in ay xaladii ugu haboonayd tahay, waana goobtii ay ugu soo diyaar garoobeen kulankii Bayern Munich ee xili ciyaareedkan iyo finalkii Champions league ee xili ciyaareedkii hore.

Laakiin Roberto Firmino ayaa haddaba ku sugan magaalada Marbella halkaas oo uu xidiga reer Brazil kaga shaqaynayay in uu kaga soo kabsado dhaawicii uu ku seegay kulamadii ugu danbeeyay ee Premier league iyo Champions League.

Roberto Firmino waxaa ka soo kabsashada dhaawicii uu qabay ka caawinaya David Rydings si uu diyaar buuxa ugu noqon karo finalka Champions League ee Tottenham.

Roberto Firmino ayaa Marbella ku soo dhawayn doona Jurgen Klopp iyo ciyaartoyda kooxdiisa Liverpool halkaas oo ay kadib si wada jir ah uga sii wadan doonaan diyaar garowga finalka Champions league.

Si kastaba ah ahaatee, liiska ciyaartoyda Liverpool ee maanta u safri doona Spain ayaa la filayaa in Klopp uu shaacin doono iyada oo aan wali la ogayn haddii uu Naby Keita qayb ka noqon doono isaga oo hore daawayn ugu qaadanayay Switzerland.