Liverpool Oo Lagu Qasbay In Ay Badasho Qorshaheedii Xili Ciyaareedka Ka Hor Ee Kulamada Saaxiibtinimo.

Kooxda Liverpool ayaa lagu qasbay in ay ka fikirto sidii ay ubadali lahayd qorshihii kooxdeeda ee kulamada saaxiibtinimo kuwaas oo ay xili ciyaareedka cusub ugu diyaar garoobi doonto.

Kadib markii maanta uu maamulka Premier league si rasmi ah u shaaciyay jadwalka isku aadka kulamada Premier league ee xili ciyaareedka cusub, waxay Liverpool noqotay kooxda lagu furi doono ee kubbada ugu horaysa ay isku taaban doonaan kooxda Norwich City.

Liverpool waxay meesha ka saartay kulankii saaxiibtinimo ee ay la ciyaari lahayd kooxda Schalke04 kadib markii ay qiimeeyeen isku aadkii Premier league ee maanta lagu dhawaaqay iyo waliba in ay kulamo muhiim ah ciyaari doonaan furitaanka xili ciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa kulanka furitaanka premier league waxay jimcaha,August 9 soo dhwaayn doontaa kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Norwich City waxayna taasi keentay in ayna suurtogal ahayn in Liverpool ay kooxda Schalke04 la ciyaarto August 6 sidii markii hore qorshaysnayd.

Sababta kale ee keentay in la kanslo kulankii kooxaha Liverpool iyo Schalke ciyaari lahaayeen ayaa ah in Reds ay kooxda Manchester City la ciyaari doonto August 4 waana kulanka finalka Community Shield.

Waxaan suurtogal ahayn in Liverpool ay finalka Community Shield kooxda Man City la ciyaarto August 4, kadib ay kulan saaxiibtinimo Schalke la ciyaarto August 6 iyada oo og in kulanka premier league ee furitaanka laga dhigay Jimcaha August 9.

Laakiin Liverpool ayaa faa’iido badan ka heshay in maalinta jimcaha ee August 9 loo gacan galiyay kulankeeda furitaanka premier league maadaama oo ay maalmo badan oo diyaar garow ah u heli karto finalka UEFA Super Cup ee Istanbul ku dhex mari doona Chelsea.

Finalka UEFA Super Cup ayaa la ciyaari doonaa August 14 waxayna Reds haysataa afar maalmood oo ayna wax kulan ah ciyaari doonaan ka hor finalka UEFA Super Cup halka Chelsea ay oo Manchester United la ciyaari doonta kulanka furitaanka Premier league ay xaalad adag mari doonto.

Ciyaartoyda Liverpool qaar ka mid ah ayaa seegi kara kulamada furitaanka Premier league iyo finalka Community Sheild iyada oo la ciyaari doono koobka qaramada Afrika iyo Copa America iyaga oo marka ay dhamaystaan fasax u baahan doona.