Liverpool Oo Kusii Dhawaaneysa Saxiixa Xiddiga Stoke City Ee Xherdan Shaqiri & Reds Oo Stoke Ciyaartoy Siinaysa Si Heshiisku U Hirgalo.

Kooxda Liverpool iyo tababaraheeda Jurgen Klopp ayaa kusii dhawaanaya inay gacanta ku dhigaan saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Xherdan Shaqiri kaas oo in mudo ah lala xidhiidhinayay, Reds ayaa doonaysa inay ka faa’idaysato hoos u dhaca Stoke City ee ay ka dhacday horyaalka Premier League waxaana ay qiime jaban ku helayaan saxiixa Shaqiri oo bixitaan ka dalbaday kooxdiisa.

Shaqiri ayaa doonaya inuu baaqi kusii ahaado horyaalka Premier League isagoo u arka horyaalka ku haboon waxaana uu tan iyo markii ay kooxdiisu u daadagtay horyaalka heerka labaad ee Championship uu xiise ka helayaa kooxo badan oo fursad u arka lacagaha raqiiska ah ee lagu heli karo.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in kooxda Stoke City ay ogolaatay in Xherdan Shaqiri uu ku biiro Liverpool balse waxa ay hor dhigeen kaliya hal shuruud oo ah inay amaah kaga helaan da’yarka kooxdaas ee Harry Wilson kaas oo ay kooxda Stoke u aragto xiddig anfacaya.

Tababare Klopp waxa laga rajaynayaa inuu amaah ku siiyo da’yarkan Stoke City isaga oo ay u noqon karto fursad uu kusoo horumariyo ciyaartiisa isla markaana uu khibrad kaga soo helo horyaalka heerka labaad ee Championship, Heshiiskan ayaana haddii uu dhaco u fiicnaan doona labada dhinacba.

Harry Wilson oo jira da’da 21 ayaa ah da’yar aad loo qiimeeyo isaga oo dhawaan kooxdiisa Liverpool u saxiixay heshiis cusub oo shan sano kusii haynaya Anfield, Laakiin waxa xusid mudan inuu xiiso ka helayo 12 kooxood oo heerka labaad ah taas ayaana la filayaa inay qasbi doonto inuu qaab amaah ah ku baxo.