Liverpool Oo Ku Biirtay Kooxo Cadow U Ah Man City Oo Ka Shaqaynaya Sidii Ganaaxa Champions League Loogu Sii Hayn Lahaa Iyo City Oo Ay Layaab Ku Noqotay.

War soo baxay ayaa shaaca ka qaaday in maamulka kooxda Manchester City ay amakaag iyo layaab ku noqotay in ay ogaadeen in Liverpool ay ku jirto kooxo dhawr ah oo ka shaqaynaya in ganaaxii FIFA uu meel maro oo City ay ka maqnaato Champions League.

Maalintii talaadadii waxa uu wargayska Daily Mail qoray in tobanka kooxood ee Premier league ugu sareeya oo laga reebay Man City iyo kooxda  Sheffield United ay qaadeen talaabo ay maxkamada xalinta khilaafaadka Sportska ee CAS ay ugu adkaynayeen in Man City ganaaxa lagu sii hayo.

Warkaas ayaa sheegayay in kooxaha waa wayn ee Premier league ay maxkamada CAS u gudbiyeen codsi ama dalab ay ku doonayeen in Manchester City ayna ka soo muuqan Champions League isla markaana aan laga aqbalin rafcaankii ay ka qaateen go’aankii FIFA.

Laakiin hadda wargayska Daily Express ayaa shaaciyay in maamulka kooxdaha Manchester City ay amakaag ku noqotay in kooxdaha hogaanka Premier league haysa ee Liverpool ay qayb ka noqotay kooxaha mincaaradka ku ah ee ka soo horjeeda in maxkamada CAS ay ganaaxa ka qaado.

Sababta ay Man City ula yaabtay in Liverpool ay qayb ka noqotay kooxaha ganaaxa la doonaya ayaa lagu sheegay in Man City ay kooxaha ka hooseeya u aragto kuwo la fahmi karo ujeedadooda oo ah in ay booskooda Champions League doonayaan balse ayna fahmin sababta Liverpool ku kaliftay arintan.

Rafcaankii Man City qaadatay ayay waajib tahay in la dhegaysto ka hor inta aanu xili ciyaareedka cusubi bilaamin waxayna ilwareedyo xaqiijiyeen in Man City ayna ka baxsan doonin ganaaxa labada xili ciyaareed ah ee Champions League laga ganaaxay.

Ilwareed uu helay Daily Mail ayaa lagu xaqiijiyay in ayna hadda Man City ka baxsan karin ganaaxa ay FIFA ku soo rogtay isla markaana ay suurtogal wayn tahay in maxkamada CAS ay ayidi doonto go’aanka FIFA.

Laakiin Man City ayay amakaag ku noqotay in kooxda Liverpool oo iyadu haddaba u soo baxday tartanka Champions League ee xili ciyaareedka soo socdaa ay qayb ka noqotay kooxaha u ololaynaya in Man City ayna ku sii jirin Champions League.