Liverpool Oo Guusheedii Labaad Oo Xidhiidh Ah Ee Premier League Ka Gaadhay Toban Ciyaartoy Oo Crystal Palace Ah, James Milner Iyo Sadio Mane Oo Reds Guushan U Horseeday.

Liverpool ayaa guushii labaad oo xiriir ah gaartay xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ka dib markii ay 2-0 ku garaaceen kooxda Crystal Palace oo marti loo ahaa kuwaasoo ciyaarta ku dhameystay 10 ciyaaryahan markii casaan laga siiyay Wan-Bissaka daqiiqadii 74aad.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay iyadoo Liverpool ay carcar u tahay inay gaarto goolka Crystal Palace halka kooxda martida loo ahaa ay ku faraxsanaayeen inay gadaal iska fadhiyaan oo ay sugaan kubada Liverpool si ay kubad rogaalcelis ah u qaadaan.

Daqiiqadii 14aad ayay Liverpool heshay fursadii ugu horeysay ee ciyaarta markii karoos la soo qaaday ay keentay in Milner uu kubada helo laakiin waxaa darbadiisa feer ku bixiyay goolhaye Hennessey.

Fursad gool loo fishay ayay Liverpool heshay daqiiqadii 23aad markii Naby Kieta oo si weyn uga dhex muuqday ciyaartaan uu kubad halis ah u qaaday Mohamed Salah oo goolhayaha kaliya uu shabaqa ka xigay, laakiin kubadii uu damcay inuu ka dulqaadayo goolhayaha ayaan noqon mid lagu guuleystay waxaana ay dulmartay shabaqa goolka.

Daqiiqad ka dib Crystal Palace ayay fursad fiican soo martay markii Kieta uu kubad dhiibtay iyadoo Townsend uu kubad gantaal ah ku tuuray shabaqa laakiin kubada waxa ay ku dhacday birta goolka inkastoo uu goolhaye Allison raacay.

Naby Kieta ayaa fursad helay daqiiqadii 26aad ka dib markii uu geeska xerada goolka ku helay kubad laga soo bixiyay Mohamed Salah laakiin darbadii Kieta waxaa badbaadiyay goolhaye Hennessey.

Labo daqiiqo markii ay ka harsaneyd qeybta hore daafaca kooxda Crystal Palace Mamadou Sakho ayaa qalad xerada ganaaxa dhexdeeda kula galay Mohamed Salah taasoo keentay in garsoore Michael Oliver uu tilmaamo inay rigoore tahay. Waxaa u soo istaagay James Milner kaasoo dhan qaldan u diray goolhayaha islamarkaana rigoorada u sarifay gool.

Waxaa qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay iyadoo Liverpool ay 1-0 ku hogaamineyso ciyaarta.

Daqiiqadii 53aad Crystal Palace ayaa fursad fiican heshay markii uu Milivojevic uu soo qaaday laad xor ah oo halis ah laakiin waxaa badbaadiyay Alisson oo kooner u bixiyay.

Daqiiqadii 74aad kooxda Crystal Palace waxaa ku sii xumaaday xaalka markii Wan-Bissaka uu qalad ku galay Mohamed Salah oo goolka uu ka xigay kaliya goolhayaha, waxaana garsooraha uu durbadiiba kaar cas oo toos ah uu u taagay 20 jirkaan aan u fiirsan qaladkiisa.

Lix daqiiqo markii ay ka harsaneyd ciyaarta Sadio Mane ayaa kubad uu soo dhigay xerada goolka waxaa madax la helay Mohamed Salah laakiin waxaa faraha foodooda ku badbaadiyay goolhaye Hennessey.

Daqiiqadii labaad ee afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayay Liverpool dheereysatay hogaanka ciyaarta markii kubad rogaalcelis ah uu soo bilaabay Mohamed Salah uu kubada u dhex bixiyay Sadio Mane kaasoo shabaq faaruq ah ku hubsaday kubada.

Waxa ay ciyaarta ku soo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday Liverpool kuwaasoo haatan lix dhibcood ka heysta labadii kulan ee ugu horeysay ee ay ciyaareen xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.