Liverpool Oo Guul Wayn Ka Soo Gaadhay Watford, Henderson Oo Kaadhka Cas Loo Taagay Iyo Reds Oo Cadaadiska Ku Sii Haysa Man City.

Kooxda Liverpool ayaa sii joogtaysay rekoodhka guuldaro la’aanta Premier league ee ay ku soo jirtay waxayna guul wayn oo 3-0 ah ka soo gaadhay kooxda Watford oo ay marti u ahayd iyada oo waliba dhamaadkii ciyaarta uu kaadhka cas qaatay Jordan Henderson.

Liverpool ayaa cagta-cagta u sii saartay Manchester City waxayna kooxda Jurgen Klopp ka soo kabsatay qaybtii hore ee ciyaartan oo ay xal u wayday qaabkii ay Watford ku dhaafi laahyd.

Qeybtii hore ee ciyaarta wax goolal ah la iskama dhalinin laakiin labada goolhaye ayaa ahaa kuwa mashquul ah marar qaar iyagoo sameeyay badbaadino aad u fiican oo dhaxalgal ah.

Watford oo gurigeeda miciyo libaax ku leh ayay ku qaadatay kaliya seddex daqiiqo inay gaaraan shabaqa Liverpool laakiin kubadii uu Gerard Deulofeu shabaqa dhex dhigay lama xisaabanin madaama ay garab dhaaf aheyd ama offside.

Goolhaye Foster oo si weyn uga dhex muuqday ciyaarta ayaa fursadii ugu horeysay ee fiicneyd badbaadiyay daqiiqadii 19aad markii Shaqiri uu karoos fiican soo dhigay iyadoo Salah uu boos fiican u taagnaa inuu shabaqa ku taabtay laakiin goolhayaha ayaa faraha fiidooda ku bixiyay una soo saaray gees laad.

Daqiiqadii 39aad ayuu Foster sameeyay badbaadin kala markii Salah uu kubad u taabtay Firmino kaasoo darbo goolka la eegtay laakiin Foster ayaa xaliyay.

Daqiiqad ka dib goolhaye Alisson ayaa isna lagu qasbay inuu badbaadin sameeyo markii uu Deulofeu kubad u dhigau Pereyra kaasoo xerada goolka ku jiray islamarkaana taabashadiisa ugu horeysayba ay noqotay darbo uu qabadsiiyay kubada laakiin Alisson ayaa u kacay oo badbaadiyay.

Labadii daqiiqo ee ku sii xigtay Foster ayaa labo badbaadin oo fantastik ah sameeyay marka hore waxa uu kubad gool loo fushay ka beeniyay Saido Mane isagoo kubada gees laad u saaray, kubadii geeska laad ee la soo qaaday waxaa madax cajiib ah la helay Mohamed Salah mar kalena Foster ayaa gacanta ku dhigay kubada.

Bilowgii qeybta labaad daqiiqadii 51aad ayay Liverpool mar kale u dhawaatay inay shabaqa soo taabato, Mane ayaa isku dayay baas uu ka helay Firmino inuu kubada ka dulqaado goolhaye Foster laakiin waxa ay ku dhacday birta kore inta aysan kubada u soo laaban Firmino oo garab dhaaf ahaa,

Daqiiqadii 56aad Watford ayaa u qeylisay rigoore markii Robertson uu u muuqday mid xerada ganaaxa qalad kula galay Hughes laakiin garsoore Jon Moss ayaan dheg u dhigin cabashada ciyaartoyda Watford.

DAQIIQADII 67AAD GOOOOL!!! Mohamed Salah ayaa hogaanka u dhiibay Liverpool ka dib markii Firmino uu kubad garabka bidix ugu dhiibay Mane kaasoo taabashadiisa koowaad ay aheyd cajiib ah ka hor inta uusan kubada u celinin Salah oo bartanka goolka taagnaa, waxaana xiddiga Masar uu kubada si sahlan ku dabamariyay goolhaye Foster.

Waa goolkii seddexaad ee seddex kulan oo Mohamed Salah ka horyimid kooxda Watford, waana goolkiisii todobaad ee xilli ciyaareedka.

DAQIIQADII 76AAD GOOOOL!!! Liverpool ayaa hogaanka dheereysatay markii uu gool laad qurux badan uu u saxiixay daafaca midig Alexander-Arnold. Da’ yarkaan ayaa kubada laadka xorta ah si fiican uga dulqaaday darbigii xiranayay waxaana uu shabaqa ka geliyay geeska kore, goolhaye Foster wax cabasho ah kama qabi doono goolkaan.

DAQIIQADII 83AAD: CASAAN: Kabtanka Liverpool Henderson ayaa qaatay jaalihiisa labaad ee ciyaarta markii uu qalad ku galay Capoue, waxaana uu durbadiiba iska aaday qolka labiska ka hor inta uusan garsooraha kaarka la soo bixin isagoo iska ogaa qalad uu geystay inay calaamad mudneyd.

Henderson oo ka soo laabtay dhaawac ayaana hal kulan ganaax ku maqnaan doona isagoo seegaya kulanka Merseyside Derby ee ay la ciyaarayaan kooxda Everton.

DAQIIQADII 89AAD GOOOOL!!! Weeraryahanka reer Brazil ee Firmino ayaa ciyaarta hurdo u diray wuxuuna goolkani ahaa ahaa mid si cajiib ah uu u soo abuuray Robertson kaas oo soo jabsaday dhinaca bidix laakiin goolka laga beeniyay Sadio Mane ayuu Firmino dhamaystiray sidaana waxay ciyaartu ku noqotay 3-0 ay Liverpool guusha ku xaqiijisatay.

Liverpool ayaa ugu danbayn guul ku soo gaadhay 3-0 inkasta oo uu Jordan Henderson kaadhka cas qaatay dhamaadkii ciyaarta wuxuuna goolka Firmino meesha ka saaray rajadii Watford ka qabtay in casaankii Henderson ay rajo ku abuurato.

Liverpool ayaa halkeeda ka sii wadatay rekoodhka guuldaro la’aanta ee ay Premier league kaga soo jirtay waxayna cadaadiska ku sii haysaa Manchester City.