Liverpool Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay Brighton, Alisson Oo Kaadhka Cas Loo Taagay, Van Dijk Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Reds Oo 11 Dhibcood Hogaanka Ku Qabtay.

Advertisements

Liverpool ayaa halkeeda ka sii wadatay guulihii xidhiidhka ahaa ee Premier League waxayna Anfield ku khaarajisay kooxda Brighton iyada oo Virgil Van Dijk uu qaybtii hore laba gool dhaliyay.

Guusha ay Liverpool ka gaadhay kooxda Brighton waxay ku soo beegantay waqti aad muhiim ugu ah Reds iyada oo kooxda Jurgen Klopp awooday in ay 11 dhibcood oo saafi ah ku qabtay hogaanka Premier League.

Liverpool ayaa yeelatay 40 dhibcood oo Premeir League kadib markii ay ciyaareen kulankoodii 14 aad halka Manchester City oo barbaro la gashay Newcastle United ay kaalinta labaad ugu jirto 29 dhibcood inkasta oo Leicester City ay kaalinta labaad soo gali doonto haddii ay Everton ka guulaysato ama ay barbaro la galaan.

Inkasta oo Liverpool ay kulankan ku wayday goolhaye Alisson Becker oo kaadhka cas oo toos ah loo taagay, haddana waxay sii joogteeyeen guulihii xidhiidhka ahaa iyo dhibcaha badan ee ay ku sareeyaan.

Advertisements

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

Brighton and Hove Albion XI (4-3-2-1): Mat Ryan; Martin Montoya, Adam Webster, Lewis Dunk, Dan Burn; Davy Propper, Dale Stephens, Yves Bissouma; Pascal Gross, Aaron Mooy; Aaron Connolly

Kaydka: Steven Alzate, Shane Duffy, Glenn Murray, Neal Maupay, David Button, Leandro Trossard, Ezequiel Schelotto

Liverpool XI (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Dejan Lovren, Virgil van Dijk, Andy Robertson; Jordan Henderson, Georginio Wijnaldum, Alex Oxlade-Chamberlain; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane

Kaydka: James Milner, Xherdan Shaqiri, Naby Keita, Adrian, Adam Lallana, Divock Origi, Joe Gomez

Liverpool ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo ogayd in Manchester City ay barbaro la sii gashay kooxda Newcastle United, waxayna kulanka Brighton u arkayeen fursad cusub oo ay hogaanka Premeir League ku sii dheeraysan kareen.

Liverpool ayaa qaybtii hore ee ciyaarta wax badan sii qabsatay iyada oo kooxda martida u ahayd ee Brighton cadaadis badan saartay.

Daqiiqadii 18 aad Liverpool ayaa goolka furitaanka keensdatay kadib markii uu difaaca saamaynta badan ee Virgil Van Dijk dhaliyay goolka ay Brighton dhibaatada badan u martay kadib markii uu caawin ka helay  Alexander-Arnold, waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Reds hogaanka ku qabtay.

Daqiiqadii 24 aad Liverpool ayaa la timid goolka labaad oo mataan la ahaa goolkii kowaad kadib markii ay iska kaashadeen labadii xidig ee goolka hore iska caawiyay, waxaana goolkiisa labaad ee kulankan dhaliyay Virgil Van Dijk oo caawin ka helay isla  Alexander-Arnold.

Ciyaarta ayaa noqotay 2-0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay laakiin Liverpool ayaa doonaysay in ay qaybtii hore ee ciyaarta goolal badan dhaliso waxaana ka diiday goolhayaha Brighton oo fursado badan ka beeniyay Reds.

Liverpool ayaa sidoo kale nasiib ku lahayd in kooxda Brighton ayna wax goolal ah dhalin iyaga oo fursado waa wayn iska khasaariyay.

Qaybtii hore ee ciyaarta Anfield ayaa ahaa mid farxad wayn laga dareemayay sababtoo ah in ay kooxdoodu laba gool hogaanka ku haysay iyo in ay ogaayeen in Man City oo ay inta badan iska eegayaan ay barbaro la gashay Newcastle United.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Liverpool soo laabtay iyada oo aan ku socon heerkii ciyaareed ee qaybtii hore waxayna taasi dhiiro galin siisay Brighton oo bilawday in ay weeraro qaado.

Oxlade-Chamberlain iyo Sadio Mane ayaa Liverpool ka khasaariyay laba fursadood oo isku dhawaa oo ay goolal ku dhalin kareen wuxuuna Klopp kadib ciyaarta soo galiyay Adam Lallana iyada oo la saaray Mohamed Salah oo aan qaab ciyaareedkii looga bartay soo bandhigin.

Daqiiqadii 76 aad Liverpool ayay dhibaato wayni soo gaadhay kadib markii kaadhka cas oo toos ah loo taagay goolhaye Alisson Becker oo kubbada oo xerada ganaaxa ka baxsan gacanta u adeegsaday, wuxuuna mutaysan doonaa saddex kulan oo ganaax ah taas oo Reds dhibaato ku noqon karta.

Kaadhka cas ee Alisson ayaa yimid waqti yar kadib markii uu Klopp ciyaarta soo galiyay Origi ee uu saaray Roberto Firmino. Goolhaye Alisson ayaa seegi doona kulanka adag ee Merseyside Derby ee Everton.

Jurgen Klopp ayay qasab ku qoqotay in uu ciyaarta ka saaro Alex Oxlade-Chamberlain si uu ciyaarta u soo galiyo Adrián kaas oo markiiba dhibaato la kulmay.

Daqiiqadii 79 aad Brighton ayaa la timid goolka ay walwalka cusub ugu abuurtay Liverpool oo aan markii hore ee uu Alisson ciyaarta ku jiray wax walwal ah qabin kadib markii uu Lewis Dunk dhaliyay goolka ay Brighton rajada ku abuuratay si uu ciyaarta uga dhigo 2-1 ay wali Reds hogaanka ku hayso.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa Liverpool cadaadis badan ku ahaa iyada oo Brighton dagaal ugu jirtay in ay barbaro keensato laakiin toban ciyaartoy oo Liverpool ay ayaa guusha sii xejistay waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2-1 ay Reds guul muhiim ah ku gaadhay.

Advertisements