Liverpool Oo Barcelona Kula Soo Biirtay Tartanka Difaaca Sevilla Ee Clement Lenglet Iyo Xidigan Oo Barca Hal Shuruud Ku Xidhay.

Daafaca da’da yar ee kooxda Sevilla Clement Lenglet oo ay baadigoob ugu jirto kooxda Barcelona ayaa u tilmaamay Blaugrana halka wado ee ay ku heli karto adeegiisa xili ciyaareedka inagu soo fool leh, Lenglet ayaa u sheegay Barcelona in kaliya ay soo xero galin karaan hadii ay u balanqaadayaan boos joogto ah iyo inuu si joogto ah uga qayb ahaado kooxda koowaad ee kooxdaasi.

Barcelona ayaa wali la fahansanyahay inay raadinayso daafac dhexe oo cusub walow ay dhawaan lasoo wareegeen Yerry Mina isla markaana ay hore u haysteen Samuel Umtiti, Gerrard Pique & Thomas Vermaelen, Laakiin sababta ay wali Barcelona ugu raad joogto daafac cusub ayaa ah in weli Yerry Mina uu yahay mid aad u yar oo aan isku halay badan lahay.

Thoms Vermaelen ayaa ah difaac dhaawac daris la noqday isla markaana uusan halka mustaqbalka Smauel Umtiti uu shaki ku jiro kadib markii wada xaajoodyadii heshiis cusboonaysiintiisa Barcelona ay istaageen inkasta oo uu sheegay in uu ku faraxsan yahay joogitaanka Camp Nou.

Haddaba wargeyska SPORT ayaa sheegaya in Lenglet uu si wayn u xiiso uga helayo tababaraha Barcelona ee Enresto Valverde balse uusan aqbali doonin heshiis uu ugu biirayo Blaugrana ilaa loo balan qaado boos joogto ah halkii uu ka fadhiyi lahaa kursiga kaydka ee Camp Nou hadii kale uu baaqi kusii ahaan doono kooxdiisa haatan ee Sevilla.

Lenglet ayaa xili ciyaareedkiisii labaad ku qaadanaya kooxdiisa haatan ee Sevilla isagoo ku guulaystay inuu si joogto ah ugu soo baxo shaxda koowaad ee kooxdaasi isla markaana la yimid bandhig layaab leh iyo qaan gaadhnimo uu ugu ciyaari karo kooxaha ugu tunka wayn qaarada yurub kuna matali karo xulkiisa France ee ka qayb galaya koobka aduunka ee dalka ruushka ka dhici doona bilaha inagu soo aadan.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaan kali ku ahayn rabitaanka difaaca Sevilla ee Clement Lenglet waxanaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in kooxda Liverpool ay doonayso sidii ay kooxda ree Spain ee Sevilla uga soo qaadan lahayd Clement Lenglet.