Liverpool Oo Anfield Ku Dubatay Man City, Reds Oo SAGAAL Dhicbood Ka Sare Mar City Iyo Inkaarta City Ku Haysat Anfield Oo Sii Socotay.

Advertisements

Liverpool ayaa guul dahabi ah Anfield kaga gaadhay kooxda ay sida wayn koobka Premier League ugu xifiltamayaan ee Manchester City waxayna Reds awooday in ay 8 dhibcood oo saafi ah ku qabtay hogaanka Premier League.

Liverpool ayaa 3-1 ku dubatay Manchester City waxaana halkeeda ka sii socotay inkaarta City ku haysata Anfield ee tan iyo sanadkii 2003 iyada oo Mohamed Salah, Fabinho iyo Sadio Mane ay saddexda dhibcood ka xoogeen Man City.

Advertisements

Manchester City waxay guuldaradani sabab ugu noqotay in ay kaalinta afraad ee premeir League ku jiri doonto waqtiga kulamada caalamiga ah iyaga oo hadda 9 dhibcood hoos uga dhacay Liverpool oo sii joogtaysay rekoodhka guuldaro la’aanta Premeir League ee xili ciyaareedkan.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

Advertisements

MANCHESTER CITY (4-3-3): Claudio Bravo; Kyle Walker John Stones, Fernandinho, Angelino; Kevin De Bruyne, Rodrigo, Ilkay Gundogan; Bernardo Silva, Sergio Aguero, Raheem Sterling.

Kadyka: Scott Carson, Phil Foden, Joao Cancelo, Gabriel Jesus, David Silva, Riyad Mahrez, Nicolas Otamendi.

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Dejan Lovren, Virgil van Dijk, Andy Robertson; Jordan Henderson, Fabinho, Georgino Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kadyka: Joe Gomez, Adrian, James Milner, Alex Oxlade-Chamberlain, Divock Origi, Naby Keita.

Manchester City ayaa ciyaarta si dardar xoogan leh ugu bilaabtay waxayna bilawgii ciyaarta Liverpool u diiday in ay kubbada taabtaan laakiin City ayaa lumisay fursado ay xili horeba ciyaarta ku heleen oo aad muhiim ugu noqon lahaa.

DAQIIQADII 6 AAD Fabinho ayaa gool qurux badan ku badalay jihadii ay ciyaartu u bilaabtay kadib markii uu Claudio Bravo ku gaaday darbo uu meel fog oo xerada ganaaxa ka baxsan uu ka soo tuuray, wuxuuna Fabinho dhaliyay goola culayska wayn ka qaaday Liverpool.

Ciyaarta ayaa noqotay 1-0 ay Liverpool hogaanka ku qabtay laakiin Man City ayaa markiiba bilawday weeraro isdaba joog ah si ay jawaab deg deg ah u bixiso laakiin fursad khasaarin uu sameeyay weerarka City iyo difaaca Liverpool oo si adag isku taagay ayaa rajada City sii adkaysay.

Ciyaartoyda Man City ka cadhaysnaa in garsooruhu aanu kooxdooda rekoodhe ku abaal marin kadib markii uu Trent Alexander-Arnold kubbada cagta ku taabtay ka hor intii ayna Liverpool kubbad weerar celis ah ku samayn qaladka ay doonayeen Guardiola iyo City in ay rekoodhe loogu dhigo.

Xili ciyaareedkan waxaa Premier League jaho wareer ka abuuraya sharcigii la badalay ee gacanta marka kubbada lagu taabto, waxayna gacantii Trent Alexander-Arnold noqotay mid kale oo dood abuurtay.

Dooda ugu badan ee waqtigii nasashada baraha bulshada qabsatay ayaan ahayn labadii gool ee ay Liverpool dhalisay ama qaabkii fiicnaa ee ay Man City u ciyaartay, balse waxay ahayd haddii uu garsoore Michael Oliver ku saxsanaa ama ku qaldanaa in gacantii Arnold aanu go’aan rekoodhe ku qaadan.

DAQIIQADII 13 AAD Liverpool ayaa goolkeeda labaad keensatay kadib markii uu Andy Robertson kubbad cajiib ah u soo karoosay Mohamed Salah oo darbo madax ah ka dhex qaatay difaaca dhexe ee Man City.

Goolkan ayaa yimid waqti ay Man City si wayn ugu mashquulsan in ay goolka barbaraha keensato waxayna Liverpool si deg deg ah uga faa’iidaysatay fursadihii ay heshay.

Xaalada ciyaarta ayaa noqotay mid waali ah waxayna labada kooxoodba bilaabeen in ay wax walba garoonka ku soo bandhigaan iyada oo cadaadiska Man City uu sii kordhay.

Man City waxaa fursado fiican ka lumiyay Sergio Aguero laakiin sidoo kale Liverpool ayaa heshay fursado ay ugu yaraan laba gool oo kale ku heli kartay iyada oo Bravo uu gool badbaadino fiican ka sameeyay Firmino iyo Salah.

Guud ahaan qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd 45 daqiiqo oo ayna kubbadu wax yar garoonka ku nasan, laakiin taatiko ahaan ayay Liverpool u ahayd mid Man City xaalada ugu adkaysay halka Guardiola uu cadho ka dareemayay in aan kooxdiisa rekoodhe loo dhigin iyo fursad luminta ay sameeyeen.

Si kastaba ha ahaatee, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku haysay waxayna ahayd Man City kooxda uu cadaadiska ugu wayni ku saarnaa in ay soo laabto.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Man City doonaysay in ay ciyaarta hore ugu soo laabto laakiin Liverpool ayaa markale noqotay kooxda gacanta sare sii yeelatay.

DAQIIQADII 51 AAD Liverpool ayaa xaalada ku sii xumaysay Manchester City kadib markii uu Sadio Mane goolka saddexaad ku dhaliyay darbo madax quusaya isaga oo karoos cajiib ah ka helay Jordan Henderson, wuxuuna Mane ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Reds hogaanka ku sii dheeraysatay.

Guardiola oo Sadio Mane ku eedeeyay in uu ku dhex quuso xerada ganaaxa si uu rekoodhe ugu guulaysto ayaa loogu maadsaday darbadii madaxa quusida ahayd ee uu Mane goolkan ku dhaliyay.

Waxay ahayd markii ugu horaysay ee Manchester City hogaanka looga qabtay kulan Premier league ah tan iyo January 2018 kii waxayna markaas ahayd isla Anfield oo ay Liverpool hogaanka kaga haysay.

Daqiiqadii 61 aad Jurgen Klopp ayaa badal ku saaray kabtankiisa Jordan Henderson oo caawinta goolkii saddexaad ee Mane sameeyay wuxuuna ciyaarta soo galiyay kabtan ku xigeenkiisa James Milner. Klopp ayaa taatikada shaxdiisa u badalay 4-4-1-1.

Daqiiqadii 70 aad Guardiola ayaa ciyaarta ka saaray Sergio Aguero oo lagu eedeeyay in uu khasaariyay fursado badan oo uu goolal ku dhalin karayay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Gabriel Jesus si uu markiisa iskugu dayo in uu goolasha soo yareeyo.

FAALO: Inkaarta Sergio Aguero ku haysata Anfield ayaa halkeeda ka sii socotay isaga oo aan waligii hal gool oo Premeir League ah ku dhalin inkasta oo uu wali sugayo in uu xataa hal guul ku gaadho Anfield.

Agugero waxa uu Anfield ku ciyaaray 530 daqiiqo, waxa uu sameeyay 13 darbo, waxa uu 4 jeer toogtay goolka Liverpool laakiin ilaa hadda wax gool ah kumuu dhalin Anfield. Akhriso xogta Sky Sports.

DAQIIQADII 78 AAD Manchester City ayaa ugu danbayn keensatay goolka ay waqtiga badan sugaysay waxaana tiradii goolasha ka soo yareeyay Bernardo Silva kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-1 ay wali Liverpool hogaanka laba gool ugu hayso.

Daqiiqadii 79 aad Jurgen Klopp ayaa badalkiisa labaad ka dhigtay Alex Oxlade-Chamberlain wuxuuna saaray Roberto Firmino iyada oo la galay waqtigii ciyaarta ugu muhiimsanaa.

Daqiiqadii 87 aad jamaahiirta Anfield ayaa isku taagay Mohamed Salah oo badal lagu saaray waxaana waqtiga hadhsanaa ciyaarta la soo galiyay Joe Gomez.

Man City ayaa dagaal ugu jirtay in ay goolka labaad keensato si ay cadaadiska u sii saarto Liverpool iyada oo Guardiola iyo Klopp ay labaduba cadho wayn u muujinayeen garsoorka.

Liverpool ayaa muhiimada kowaad ka dhigatay in ay ciyaarta ku dhamayso natiijada ay guusha ugu taagnayd waxayna Man City noqotay kooxda wax walba u samaynaysay in ay shabaqa Reds markale gaadho.

Ugu dangayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Liverpool ku dubatay kooxda koobka Premier league difaacanaysa ee Manchester City waxayna guushani Reds ka caawisay in ay 8 dhibcood ku qabtay hogaanka premier League halka Man City ay waqtiga kulamada caalamiga ah ku qaadan doonto kaalinta 4 aad ee Premeir League. Mardhow filo qiimaynta ciyaartoyda iyo falcelinta ciyaarta.

Advertisements