Liverpool Mise Man City? Khabiirada Barnaamijka Saturday Soccer Ee Sky Sports Oo Saadaaliyay Sida Loo Kala Geli Doono Lixda Kaalimood Ee Ugu Sareysa Premier League

Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa ku dagaalamaya koobka Premier league iyada oo la galayo siddeedii kulan ee ugu danbeeyay waxaana la filayaa in uu noqon doono xili ciyaareed taariikhi ah oo ay laba kooxood dhibcaha ugu badan ugu tartami doonaan koobka Premier league

Kooxdee ku guuleysan doonta horyaalka? Miyay Man United soo laabasho sameyn doontaa kuna dhameysan doonta afarta sarre? Khabiirada Sky Sports ee barnaamijka Soccer Saturday ayaa saadaaliyay lixda kaalimood ee ugu sareysa.

Manchester City ayaa hogaanka hal dhibic kaga heysa Liverpool iyadoo sideed kulan ay ka harsan tahay horyaalka, laakiin waxa ay fursad u heystaan inay hogaanka ku soo laabtaan marka ay Fulham wajahayaan.

Iyadoo xilli ciyaareedkan uu ka mid yahay xilli ciyaareedyada ugu tartanka furan hanashada horyaalka iyo kaalimada Champions League, halkee ayay koox walba ku dhameysan doontaa marka daaha horyaalka la xiro 12ka bisha May.

Khabiirada Sky Sports ayaa bixiyay saadaashaan.

Matt Le Tissier

Lixda ugu sareysa: 

1. Manchester City,

2. Liverpool,

3. Tottenham

4. Manchester United,

5. Arsenal,

6. Chelsea.

Charlie Nicholas

Lixda ugu sareysa: 

1. Manchester City,

2. Liverpool,

3. Arsenal,

4. Manchester United,

5. Tottenham,

6. Chelsea.

Phil Thompson

Lixda ugu sareysa: 

1. Liverpool,

2. Manchester City,

3. Tottenham,

4. Manchester United,

5. Arsenal,

6. Chelsea.