Liverpool Mise Man City? Frank Lampard Oo Tilmaamay Kooxda Uu Kaga Dayan Doono Qaab Ciyaareedka Uu Chelsea U Ciyaarsiinayo Xilli Ciyaareedka Cusub.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard oo haatan ku hawlan kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ayaa ka hadlay qaabka uu doonayo inuu kooxdiisa u ciyaarsiiyo iyadoo ay iyagu ka ganaaxan yihiin suuqa kala iibsiga.

Blues ayaa ka ganaaxan suuqa xagaagan ee haatan socda iyo waliba suuqa bisha January ee soo socda balse Lampard ayaa sheegay ku faraxsan yahay safka xiddigaha uu haatan haysto.

Lampard oo ugu horreyn ka hadlaya xiddigihiisa ayaa yidhi “Waxaan filayaa inaan dhaxlay ciyaartoy aad u wanaagsan, Anagu ciyaartoy ma keeni karayno, Waanu ognahay midaas sanadkan”

“Laakiin anigu uma baahni ciyaartoy cusub, Aad ayaan ugu faraxsanahay safka wayna naga go’antahay anaga inaanu noqono kuwo najaxa”

Dhinaca kale tababare Lampard ayaa tilmaamay in kooxdiisu ay u ciyaari doonto qaabka uu haatan Jurgen Klopp u ciyaarsiiyo Liverpool, Dabcan Lampard ma uusan xusin magaca Liverpool balse waxa uu sheegay waxkasta oo ay falsafada Klopp ku salaysantahay.

Frankie ayaa markale yidhi “Sidaas darteed aniga shaqadaydu waxay tahay inaan si adag ula shaqeeyo iyaga (Ciyaartoyda) xilli ciyaareedka kahor, Waxaan jeclahay in kooxahaygu ay ku ciyaaraan tamar badan, Xawaare badan haddii ay kubadda haystaan iyo haddii aysan haysanba sidaasd darteed haddii aanu kubadda lumino waxaan doonayaa inaan sida ugu dhakhsaha badan dib ugu soo guuleysano”

“Markaanu kubadda haysano waxaan doonayaa inaan si dhakhso leh ah u dhaqaajino oo aanu fursado abuurno si aanu kulamada u guuleysano oo aanu dareeno sidii oo aanu kubadda cagta ciyaarayno”

Lampard ayaa kulanka xiga ee Chelsea maanta la yeelan doona kooxda Barcelona oo uu kula kulmayo kulan saaxiibtinimo dalka Japan.