Liverpool, Man United Mise Arsenal? Kooxda Sida Dhabta Ah Ugu Gacan Saydhay Inay La Saxeexato Philippe Coutinho Suuqii Xagaaga Oo La Ogaaday.

Wali waxaan xal buuxa laga gaadhin mustaqbalka Philippe Coutinho ee Barcelona kaas oo ku dhibtoonaya kooxdaas tan iyo markii uu ku biiray bilawgii sanadkii hore ee 2018 isaga oo aan ilaa haatan muujin sababtii ay Barca lacagta aadka u badan uga soo bixisay.

Suuqa xagaagan ee wali furan balse ka xidhmay kooxaha Premier League ayaa Philippe lala xidhiidhinayay kooxaha horyaalkaas ee Arsenal, Man United iyo kooxdiisii hore ee Liverpool.

Wargeyska Telegraph ayaa sheegaya in kooxda Liverpool ay tahay kooxda sida dhabta ah loogu soo bandhigay saxeexa Coutinho balse ay diideen fursada ay dib ugula wareegi lahaayeen iyagoo 100 Milyan ka bixinaya.

SIDOO KALE AKHRISO:  FADEEXAD: Mario Balotteli, Bakayoko & Xiddigo Kale Oo Xiriir La Lahaa Gabar Lagu Eedeeyay Inay Iib Geyn Jirtay Dumarka Jirkooda Ka Ganacsada

Sababta ay Reds iskaga diideen inay dib ula soo saxeexdaan 27 jirkan ayaa ah inaysan u arkayn meesha ugu haboon ee 100 Milyan lacag ah lagu bixin karo.

Haddiiba ay madaxda sarre ee Liverpool go’aansan lahaayeen inay dib ula soo saxeexdaan ciyaartoy ku qasbay in Camp Nou loo fasaxo January 2018 ayaa xasilooni la’aan ka dhalin karaysay safka kooxda.

Kooxda kusoo guuleystay koobka horyaalada Yurub ayuu suuqii xagaagu si sahlan ku dhaafay iyadoo aan wax xoojin ah oo dhab ah aan samayn balse la saxeexatay kaliya saddex xiddig oo aan saamayn toos ah ku yeelan doonin shaxdeeda.

Reds ayaa u baahan doona inay safkoodii hore uun adeegsadaan (Ugu yaraan ilaa suuqa bisha January) haddiiba ay doonayaan inay Manchester City ku garaacaan Premier League xilli ciyaareedkan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Xidigii Liverpool Ay Rekoodhkeeda Suuqa Kooxdeeda U Jabisay Ee Andy Carroll Oo Si Layaab Leh U Qirtay Sheeko Lagu Xaman Jiray.

Si kastaba ha ahaatee, Wiilasha uu hoggaaminayo Jurgen Klopp ayaa caawa bilaaban doona ololaha 2019-20 ee horyaalka ugu sarreeya England iyagoo qaabilaya kooxda horyaalka kusoo laabatay ee Norwich City.