Liverpool Iyo Barcelona Oo Kuwada Dagaalamaya Saxiixa Xidig Ay Bar-timaameed Sidoo Kale Ka Dhiganayaan Kooxaha Arsenal iyo Man City Suuqa Furmid Doona January.

Wargeyska “Daily Star” ee dalka England ayaa wuxuu daboolka ka qaaday saacadihii lasoo dhaafay in kooxda Liverpool ay dagaal adag kula gali doonto suuqa soo aadan ee Furmi doona bisha January dhigeeda ree Spain ee Barcelona, saxiixa xidiga ree Ivory Coast iyo kooxda  Nice Jean Seri.

26 jirkan ayaa ku dhawaaday inuu xirto maaliyada kooxda Barcelona xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, laakiin saraakiisha kooxda ree Catalonia ayaa si lama filaan ah isaga diiday xiliyadii dambe ee heshiiska, waxaana dalabkii miiska saarnaa uu gaadhsiisnaa ilaa iyo 35.2 million Pound.

“Daily Star” ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in macalinka ree Germany iyo kooxda Liverpool Jurgen Klopp uu si xoogan isha ugu hayo xaalada ree Ivory Coast iyo kooxda  Nice Jean Seri. Wuxuuna qorsheenayaa inuu xili ciyaareedka soo aadan uu kusoo xoojisto khadkiisa dhexe.

Jean Seri ayaa wuxuu dhawaan kasoo kabtay dhaawacii uu garoomada kaga maqnaa mudo dhan bil, xili laacibkan ree Ivory Coast uu soo jiiraty qaab ciyaareedkiisa kahor inta uusan dhaawacan soo gaadhin kooxo waaweyn ee qaarada yurub ka tirsan oo ay ka mid yihiin ee Barcelona iyo Liverpool.

Sidoo kale kooxaha kale waaweyn ee isha ku hayay qaab ciyaareedka cajiibka ah uu ka sameenayo kooxda Nice laacibkan Jean Seri ayaa waxaa qeyb ka ah, marka laga yimaado kooxaha Barcelona iyo Liverpool, muruq weyna yaasha Premier League ee  Arsenal iyo Manchester City.