CHAMPIONS!! Liverpool Oo Markii Afraad Ku Guulaysatay Koobka UEFA Super Cup, Reds Oo Rekoodhaal Ku Qalbi Jabisay Chelsea Iyo Goolhaye Adrian Oo Sumcad Samaystay.

Liverpool ayaa markii afraad ku guulaysatay koobka UEFA Super Cup kadib markii ay rekoodhayaal 5-4 ah ku garacday kooxda Chelsea. Liverpool iyo Chelsea ayaa 120 daqiiqo wada ciyaaray finalkii UEFA Super Cup laakiin ugu danbayn Reds ayaa rekoodhayaal ku qaaday koobka UEFA Super Cup.

Goolhaye Adrian oo laba todobaad ka hor ku soo biiray Liverpool ayaa si layaableh Liverpool uga caawiyay in ay markii afraad hanteen koobka UEFA Super Cup kadib markii uu badbaadiyay rekoodhihii shanaad ee uu Chelsea u tuuray Abraham.

Abraham ayaa maray dariiqii Romelu Lukaku uu taariikhda xun ugu yeeshay Chelsea waxayna Blues dadaalkii waynaa ee ay samaysay ku dhamaaday qalbi jabkii ugu xumaa.

Shaxaha Rasmiga Ahaa Ee Liverpool Iyo Chelsea:

Liverpool XI : Adrián; Gomez, Matip, Van Dijk, Robertson; Fabinho, Henderson, Milner; Oxlade-Chamberlain, Mohamed Salah, Sadio Mané.

Kaydka: Lonergan, Kelleher, Wijnaldum, Firmino, Lallana, Shaqiri, Brewster, Origi, Hoever, Alexander-Arnold, Elliott.

Chelsea XI : Kepa; Azpilicueta, Christensen, Zouma, Emerson; Kovacic, Jorginho, Kanté; Pedro, Pulisic, Giroud.

Kaydka: Caballero, Rudiger, Alonso, Zappacosta, Tomori, Mount, Kennedy, Gilmour, Barkley, Batshuayi, Abraham, Willian.


Liverpool ayaa bilawgii ciyaarta u muuqatay kooxda fursad abuurista iyo kubbad haynta fiican ku bilaabtay laakiin Chelsea ayaa si taxadar leh ciyaarta ugu bilaabtay balse markii ay arkeen in Liverpool ayna ku jirin xaalad fiican waxay heleen kalsooni buuxda.

Daqiiqadii 16 aad Liverpool ayaa heshay fursadii gool dhalineed ee ugu horaysay ciyaarta kadib markii uu Mohamed Salah kubbad fiican ka helay Oxlade-Chamberlain oo inta badan ciyaarta ku dhex lumay balse markan fursad halis ah abuuray, laakiin kubbada uu Salah goolka furitaanka ku dhalin lahaa waxaa hal gacan ku joojiyay goolhaye Kepa.

Daqiiqadii 20 aad Pedro ayaa fursad fiican ku helay goolka Liverpool laakiin Roberston ayaa shaadhka la xidhay isla markaana ka joojiyay fursad gool dhalineed oo uu heli karayay.

Daqiiqadii 22 aad Pedro Rodriguez oo bandhig cajiib ah samaynayay ayaa birta u garaacay Liverpool iyada oo goolhaye Adrian uu kubbada iska sii leexiyay, waxayna Blues markan heshay fursadii ugu dhawayd ee ay shabqa ku gaadhi kareen.

Daqiiqadii 30 aad Sadio Mane oo lays waydiinayay haddii uu ciyaarta ku jiray ayaa helay fursad uu darbo aan madaxa si fiican ugu dhicin oo uu goolka ku bartilmaameedsaday laakiin Kepa ayaa si sahlan ku joojiyay.

Chelsea ayaa la soo baxday dardar cajiib ah iyada oo Kante uu ceebeeyay xidigaha khadka dhexe ee uu Klopp isla soo xushay gaar ahaan James Milner oo bandhig liita qaybtii hore sameeyay waxayna Blues noqotay kooxda la wareegtay fursad abuurista.

Daqiiqadii 36 aad Olivier Giroud oo fursado fiican oo hore lumiyay ayaa kooxdiisa Chelsea si wayn ugaga farxiyay goolka furitaanka kadib markii uu kubbad caawin fiican ka helay Christian Pulisic oo caawintiisii ugu horeeyay ee Blues sameeyay, iyada goolhaye Adrian aanu awoodin in uu kubbada Giroud ee dhulka socotay joojiyo.

Ciyaarta ayaa waji kale yeelatay waxayna Liverpool gashay xaalad jaho wareer ah iyada oo khadka dhexe uu haawanayay isla markaana uu Kante dariiq ka dhigtay, Mane, Chamberlain iyo Milner oo shaxda Klopp ku cusbaa ayaa noqday maqane joogay halka difaaca dhexe uu khal khal ka dhex jiray Van Dijk iyo Matip.

Waxaa si buuxda loo dareemay qaladaadkii uu Klopp ku lahaa isbadalkii tirada badnaa ee uu shaxdiisa ku sameeyay, waxayna Liverpool bilawday in ay goolka labaad ee Chelsea ka walwasho.

Daqiiqadii 40 aad Christian Pulisic ayaa isku arkay in uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Chelsea laakiin kubbada uu sida quruxda badan shabaqa Reds u gaadhsiiyay ayaa offside ahaan loo diiday iyada oo garsoorayaasha dumarka ahaa ay go’aano cajiib ah samaynayeen.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay iyada oo Chelsea 1-0 hogaanka ku haysay isla markaana aan inta badan la arag Liverpool oo si raaxo leh ku ciyaaraysa waxayna Lampard u ahayd 45 daqiiqo oo cajiib ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayuu markiiba Jurgen Klopp shaxdiisa isbadal ku soo sameeyay wuxuuna saaray A. Oxlade-Chamberlain oo fashilmay qaybtii hore ee ciyaarta wuxuuna kaydka uga yeedhay Roberto Firmino.

Daqiiqadii 48 aad Liverpool ayaa isla markiiba la timid goolkeeda barbaraha waxaana Jurgen Klopp iyo jamaahiirta Reds culayska ka dul qaaday Sadio Mane kaas oo saamayn layaableh ka helay Roberto Firmino oo muujiyay sida uu saaxiibkiisa Mane goolkan ugu hibeeyay, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 50 aad markale Firmino ayaa ku lug yeelan gaadhay goolka labaad ee kooxdiisa Liverpool laakiin fursad uu Fabinho la dhisay ayaa birta goolka dul martay, waxayna Reds bilawday in ay goolka labaad raadiyaan.

Daqiiqadii 51 aad  Emerson ayaa si qurux badan u soo dhaafay Gomez wuxuuna kubbada u tuuray Giroud kaas oo ku fashilmay in uu cag fudayd sameeyo wuxuuna lumiyay fursad uu goolkiisa labaad ku dhalin kari lahaa.

Daqiiqadii 64 aad Klopp ayaa sameeyay badalkiisa labaad isaga oo qaaday talaabo ay jamaahiirta Reds si wayn u dalbanayeen wuxuuna ciyaarta ka saaray James Milner oo ka mid ahaa xidigaha Reds dhibaatada ugu wacnaa waxaana ciyaarta soo galay Gini Wijnaldum.

Daqiiqadii 74 aad Lampard ayaa laba isbadal shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray xidigii goolka u dhaliyay ee Giroud iyo Christian Pulisic wuxuuna kaydka ka soo kiciyay Mason Mount iyo Abraham.

Daqiiqadii 75 aad Alla maxay gool badbaadin ahayd! Goolhaye Kepa ayaa markale kooxdiisa Blues si layaableh u badbaadiyay isaga oo laba jeer oo xidhiidh ah goolal la dhalin lahaa joojiyay. Marka hore Kepa ayaa Salah fursad ka beeniyay laakiin kubbada ayaa si toos ah ugu tagtay Van Dijk kaas oo uu markale Kepa gool ka beeniyay!.

Liverpool ayaa bilawday in ay si fiican dib ugu heshay qaab ciyaareedkeedii fiicnaa iyada oo labadii badal ee uu Klopp sameeyay wax badan xaliyeen.

Daqiiqadii 83 aad da’yarka badalka ku soo galay ee Mount ayaa shabaqa Liverpool soo taabtay laakiin waxa uu ku jiray offside iyada oo laba daqiiqo kadib uu Lampard ciyaarta badal ku soo galiyay F. Tomori wuxuuna saaray A. Christensen.

Daqiiqadii 87 aad Sadio Mane ayaa goolkiisa labaad waqti xaasaasi ah ka dhalin gaadhay Chelsea kadib markii uu Salah kubbad ka helay laakiin xidiga reer Senegal ayaa fursadan muhiimka ahayd kooxdiisa ka qasaariyay.

Waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta ayaa 90 ka daqiiqo ayay labada kooxood babraro 1-1 ah ku kala baxeen taas oo keentay in 30 daqiiqo oo dheer ah lagu daray.

Waqtigii Dheeriga Ahaa:

Daqiiqadii 91 aad Klopp ayaa ciyaarta soo galiyay T. Alexander-Arnold wuxuuna saaray A. Robertson waxayna taasi keentay in Joe Gomez uu difaaca bidix u wareegay.

Daqiiqadii 95 aad Sadio Mane ayaa gool qurux badan kooxdiisa Liverpool u saxiixay kadib markii uu kubbad caawin labaad ka helay Roberto Firmino wuxuuna Mane goolkiisa labaad ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Reds dhinaca kale ugu dhigtay natiijadii ciyaarta ee goolka looga hormaray.

Daqiiqadii 99 aad Rekoodhe! Chelsea ayaa si layaableh u heshay rekoodhe kadib markii uu goolhaye Adrian musiibo ku noqday kooxdiisa cusub ee Liverpool wuxuuna qalad rekoodhe keenay ku galay Abraham.

Daqiiadii 101 aad Jorginho ayaa si degan u dhaliyay goolka labaad ee kooxdiisa Chelsea kadib markii uu dhamaystiray kubbada rekoodhaha ahayd ee lagu abaal mariyay wuxuuna ciyaarta ku soo celiyay barbaro 2-2 ah!.

Daqiiqadii 101 aad Lampard ayaa ciyaarta soo galiyay Ross Barkley wuxuuna saaray Mateo Kovacic. Jurgen Klopp ayaa isna ciyaarta soo galiyay Divock Origi wuxuuna saaray xidiga labada gool dhaliyay ee Sadio Mane.

Daqiiqadii 104 aad Chelsea ayaa ugu dhawaatay in ay goolkeeda saddexaad kaga naxsato Liverpool laakiin Abraham oo saamayn fiican ciyaarta la soo galay ayaa arkay kubbada oo birta wax yar umartay.

15 kii daqiiqo ee qaybtii hore ee waqtiga dheeriga ahaa ayaa markale ku dhamaaday babraro 2-2 ah waxayna labada kooxood markale dagaal u galeen 15 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay.

Daqiiqadii 113 aad Chelsea ayaa ku dhawaatay in ay goolka saddexaad ku hor marto kadib markii uu Mount darbo gool loo fishay uu goolka Reds ku tuuray laakiin goolhaye Adrian ayaa badbaadin wayn sameeyay.

Wax walba oo ay labada kooxood sameeyeen waxay awoodi kari waayeen in ay waqtigii dheeriga ahaa ee 30 ka daqiiqo ahaa ku kala baxaan waxayna taasi keentay in rekoodhayaal lagu kala saaro.

Natiijadii rekoodhayaasha:

1-Roberto Firmino- Liverpool- wuu dhaliyay rekoodhihiisii

2-Jorginho- Chelsea- wuu dhaliyay rekoodhihiisii

3-Fabinho-Liverpool- wuu dhaliyay rekoodhihiisii

4-Ross Barkley- Chelsea – wuu dhaliyay rekoodhihiisii

5- Divock Origi- Liverpool- wuu dhaliyay rekoodhihiisii

6-Mount-Chelsea – wuu dhaliyay rekoodhihiisii

7-Trent Alexander-Arnold -Liverpool- wuu dhaliyay rekoodhihiisii

8-Emerson Palmieri-Chelsea – wuu dhaliyay rekoodhihiisii

9-Mohamed Salah- Liverpool- wuu dhaliyay rekoodhihiisii

10-Abraham-Chelsea- wuu dhaliyay rekoodhihiisii, Adrian ayaana badbaadiyay.