LIVE: Halkan Si Toos Ah Ugala Soco Isku Aadka Siddeed Dhamaadka & Afar Dhamaadka UEFA Champions League

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa samaynaya isku aadka siddeed dhamaadka iyo afar dhamaadka UEFA Champions league oo markii ugu horaysay hal xaflad lagu wada samaynayo iyada oo kooxuhu ay hadda ogaan doonaan dariiqa Madrid loo marayo.

Siddeeda kooxood ee iskugu soo hadhay Champions League ayaa ogaan doona kooxaha ay ku aadi doonaan ee ay dagaalka koobka Champions League ka sii wadan doonaan iyada oo waliba ay jiraan kooxo awood badan oo uu midba tan kale ka cabsanayo.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan si toos ah idiinkula socodsiinaysa isku aadka UEFA Champions League ee magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu qabanayo.

Kooxdee ayaa la rajaynaysaa in ay kooxdaada ku aadi doonto? Isku aadka, jadwalka iyo waliba dariiqa Madrid loo marayo halkan ayaad kala socon kartaa.

Haddaba halkan hoose kala soco qoraalka tabinta tooska ah ee isku aadka Champions League: