“Lionel Messi Wuu U Qalmaa Ballon d’Or, Laakiin Real Madrid Ayaa Sannadkii Ka Hore Koobtay Ronaldo” – Xiddig Ka Tirsan Juventus

Advertisements

Cristiano Ronaldo waxa uu aaminsan yahay in sannadkii hore laga boobay abaal-marinta Ballon d’Or, waxaanu taas ka sheegay meelo fagaare ah, laakiin waxa fikirkaas la wadaaga dad badan oo ay ka mid yihiin qoyskiisa, taaageereyaal iyo ciyaartooyo ba.

Ronaldo oo ka hor intii aanu Juventus tegin Real Madrid usii dhaliyey goolal badan, una horseeday inay ku guuleystaan Champions League, ayaa waxa ka hor maray Luka Modric oo abaal-marinta la siiyey maadaama uu xulka qarankiisa Croatia geeyey finalkii koobkii adduunka 2018, sidoo kalena uu udub-dhexaad u ahaa guulaha Real Madrid ee sannadkaas oo uu khadka dhexe ka farsamayey kubadaha Ronaldo iyo laacibiinta kale dhalinayeen.

Difaacyahanka Talyaaniga ah ee Giorgio Chiellini oo ay Ronaldo u wada ciyaaraan Juventus ayaa dib usoo nooleeyey dooddaad kaddib markii xalay Lionel Messi uu ku guuleystay Ballon d’Or.

Chiellini waxa uu sheegay in ay caadi tahay in Lionel Messi uu ku guuleysato abaal-marinta sannadkan, balse sannadkii hore ay Real Madrid xadday Ballon d’Or-ka oo uu iska lahaa Ronaldo.

Advertisements

“Waa caadi in Messi uu ku guuleystay Ballon d’Or sannadkan, laakiin xatooyadii dhabta ahayd waxay dhacday sannadkii hore oo Real Madrid ay go’aamisay in Cristiano aanu ku guuleysanin Ballon d’Or. Waxay ahayd arrin layaab leh.” Ayuu yidhi Chiellini.

“Real may doonaynin inuu ku guuleysto sababtoo muu sii ahaanaynin ciyaartoy ka tirsan.” Ayuu raaciyey.

Advertisements