“Lionel Messi Waa Ciyaartoygii Ugu Fiicnaa Kubadda Cagta Abid & Malaha Midkii Ugu Fiicnaa Ee Guud Ahaan Noocyada Ciyaaraha Oo Dhan Ciyaara”.

Tababare ku xigeenka kooxda Barcelona ee Eder Sarabia oo kasoo muuqday muuqaal toos ah oo barta Instagram ah ayaa ka hadlay waxa uu ka aaminsan yahay kabtanka kooxdaas ee Lionel Messi iyo waliba dhaqankiisii kulankii El-Classico.

Sarabia ayaa kulankii El-Classico ee bishii hore soo sameeyay dhacdo ay in badan hadal hayeen saxaafada caalamku oo ahayd inuu dareenkiisa xakamayn waayay isla markaana uu kursiga keydka kasoo dhaliilayay xiddigaha qaar.

Sarabia oo ka hadlay falkaas ayaa sheegay inuu raali-gelin bixiyay oo xidhiidhka ay haatan la leeyihiin ciyaartoyda kooxdu uu yahay mid wanaagsan.

“In badan ayaa laga hadlay midaas, Raali gelin ayaanu bixinay sababtoo ah waxa jira waxyaabo xadidan oo ay tahay inaad xakamayso oo aad horumar ka samayso, Wax dhibaato ahi ma aysan jirin anaguna xidhiidh wanaagsan ayaanu la leenahay ciyaartoyda”

Dhinaca kale Eder oo ka hadlaya arrimaha Messi ayaa sheegay inuu ugu horreynba isagu yahay xiddiga ugu fiican abid kubadda cagta sidoo kalena uu noqon karo midka ugu wanaagsan ee abid ciyaar ciyaaray nooc ay tahayba.

“Isagu waa ciyaartoyga ugu wanaagsan abid iyo malaha midka ugu fiican ciyaar oo dhan, Isagu waa mid cajiib ku ah dhinacyada oo dhan sababto ah cilmiga uu u leeyahay ciyaarta iyo sida uu u fuliyo”.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook