Lionel Messi Oo Wali Ku Raaxaysanay Bandhigiisii Xilli Ciyaareedkii Hore & Abaal Marin Kale Oo Shaqsi Ah Oo Uu Ku Guuleystay.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa u muuqda mid wali faa’ido ku qaba bandhigyadii uu ka sameeyay xilli ciyaareedkii hore kaddib markii gacanta loo geliyay abaalmarin kale oo shaqsi ah oo uu ku mutaystay isla qaab ciyaareedkaas.

Abaalmarintan ayaa Messi la siiyay kahor tababarkii kooxdiisa ee shalay waana abaalmarinta loo yaqaan Premio Aldo Rovira oo ah mid ay ku loolamaaan kaliya xiddigaha kooxdiisa Barcelona.

Séptimo Premio Aldo Rovira para Leo Messi

Ku guuleysiga Messi ee Premio Aldo Rovira ayaan ahayn wax cusub maadaama oo uu xiddigani kusoo guuleystay shan xilli ciyaareed oo midkan ka horeeyay oo kala ahaa 2009/10, 2010/11, 2012/13, 2014/15, 2016/17 iyo 2017/18.

Premio Aldo Rovira ayay sagaal jirsatay maadaama oo bixinteeda la bilaabay sanadkii xilli ciyaareedkii 2009/10 waxaana tan iyo markaas kusoo guuleysanayay Messi marka laga reebo saddex xilli ciyaareed oo kala ah 2011/12 (Éric Abidal), 2013/14 (Javier Mascherano) iyo 2015/16 (Luis Suárez).

Abaalmarintan ayuu aas-aaskeeda lahaa agaasimihii hore ee Barca ee Josep Lluís Rovira kaas oo ku maamuusayay wiilkiisa oo ku geeriyooday shil mooto sanadkii 2009.

Halkan kaga boggo sida abaalmarintan loogu soo kala guuleystay sanadihii ugu dambeeyay:

2009/10  Leo Messi

2010/11  Leo Messi

2011/12  Éric Abidal

2012/13  Leo Messi

2013/14  Javier Mascherano

2014/15  Leo Messi

2015/16  Luis Suárez

2016/17  Leo Messi

2017/18  Leo Messi