Lionel Messi Oo Sheegay Inuu Ka Fariisan Lahaa Ciyaaraha Caalamiga Ah Hadii Uusan Xulka Qaranka Argantina U Soo Bixi Lahayn Koobka Aduunka Sanada 2018.

Laacibka kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argantina ee Lionel Messi ayaa qarsan kari waayay sida uu u doonayay inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah hadii aanu xulkiisa Argantina u soo bixi lahayn koobka aduunka sanada 2018 ka dhici doono dalka Russia.

Argentina ayaa ku soo dhibtootay kulamada loogu soo baxayay koobka aduunka soo aadan, waxa ayna ku dhawaatay in 2018 ay ka maqnaato xulalka calamadooda ka taagtay dalka Russia, laakiin Lionel Messi ayaa sabab buuxda u noqday in kulankoodi ugu dambeeyay ay ku xaqiijiyeen ka qeyb galkooda Koobka Adduunka kadib markii uu xulka Ecuador ka dhaliyay seddexleey.

Lionel Messi ayaa carabka ku adkeeyay in xirfadiisa kubada cagta ee caalamiga ah uu soo gaba gabeyn lahaa hadii uu xulka qaranka Argentina uusan guul ka gaari laheen xulka Ecuador, waxaa fikirka uu qabay sidoo kale kala mid ahaa xidigo dhowr ah ee qeyb ka ah xulka Argantina.

Laacibka 5 jeer kusoo guuleystay abaal marinta qaaliga ah ee Balón de Oro ayaa wuxuu yidhi: “Runtii maanan gaadhin go’aan rasmi ah ee ku aadan inaan ka fadhiisanayo ciyaarista kulamada caalamiga ah, laakiin waxay ahayd dhamaadka ciyaartoy fara badan ee xulka igula sugan, hadii aanu u soo bixi laheen koobka aduunka sanada 2018, Ma malayn karo waxa dhici lahaa, laga yaabee inay dhici kareen waxyaabo aan wanaagsaneyn”.

Lionel Messi ayaa hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxay noqon laheed xaalad adag hadii aanu ka mid noqon laheen koobka aduunka, ma doonayo inaan ka hadlo magacyada shaqsiyaad kale, laakiin dhamaantayada wuxuu qorshuhu ahaan inaan ka fariisano ciyaaraha caalamiga ah, ugu dambeyn waan guuleysanay, laakiin kuma aanan gaadhin heerka aan haatan joogno si fudud”.

Comments

comments