Lionel Messi Oo Shaaca Ka Qaaday Go’aankiisa Kaga Aadan Hadii Uu Xulka Qaranka Argantina Ku Guuldareysto Koobka Aduunka Soo Aadan Sanada 2018.

Halyeeyga reer Argentine iyo kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday waxa xiga uu sameyn doono hadii ay dhacdo in xulka Argantina uu ka dhabeyn waayo waxa ay ka rajeenayaan jamaahiirta ree Arganta koobka aduunka soo aadan ee sanada 2018 lagu qaban doono dalka Russia.

Lionel Messi ayaa wareysi uu siiyay TV Sports ku sheegay: “Hadii uusan xaalku noqon mid inoo wanaagsan, waa inaan dhamaantayada isaga dhaqaaqnaa xulka qaranka Argantina, waa wax aad u adag in midkeen uu sii xidhnaado maaliyada xulka”.

Xidiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa farta ku fiiqay dhowr ciyaartoy ay ka wada tirsan yihiin xiligan xulka qaranka Argantina, maadaama ay soo xidhnaayeen maaliyada xulkooda mudo aad u fog isla markaana aysan ku guuleysan wax koob ah.

Messi ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay “Dhaleeceyntu imaan doonta waxaa kasii daran  in lasii arko wajiyo isku mid ah, waxaan xili kasta tababarka ku dareenaa, waxa ina sugaya hadii xaaladu aysan inoo wanaagsaneen, jamaahiirta waxa ay inaga sugayaan in koobka aduunka aan meel sare aan ka gaadhno, hadii aysan sidaas dhicin waxaa muhiim ah in xulka lagu arko wajiyo kaloo cusub”.

Xulka Argantina ayaa kaga beegmay heerka groupyada koobka aduunka soo aadan ee 2018 lagu qaban doono dalka Russia Group-ka D, oo ay kuwada jiraan xulal aad u adag ee kala ah Nigeria, Iceland iyo Croatia.