Lionel Messi Oo Shaaca Ka Qaaday AFARTA Xul Qaran Ee Koobka Aduunka Ugu Cad Cad Ee Aanu Jeclayn In Ay Xulka Qarankiisa Argentina Iska Horyimaadaan.

Xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo hadda ciyaartoyda qarankiisa kula sugan dalka Ruuska ayaa wax laga waydiiyay qaramada aduunka ee uu jeclaan lahaa in uu ka dheeraado isku aadka koobka aduunka wuxuuna sidoo kale hadlay afarta xul qaran ee qaab ciyaareedka ugu fiican ku jira ee koobka aduunka ugu cad cad.

Lionel Messi ayaa waraysi uu siiyay TyC sports waxa uu ku cadeeyay wadamada uu u arko halista ugu wayn ee koobka aduunka ee ay Argentina la ciyaari karto. Lionel Messi ayaa saddexley goolal ah u dhaliyay xulka qarankiisa Argentina si uu ugu soo saaro kooba aduunka ee Russia 2018 intii lagu jiray kulankii Ecuador ee uu qarankiisu cadaadiska wayn ku hoos jiray.

Ugu horayn Lionel Messi ayaa walaac xoogan ka muujiyay xulka qaranka Spain oo uu sheegay in hanaankooda ciyaareed uu yahay mid halis ah balse waxa uu sidoo kale xusay in qaramada Spain, Brazil, Germany iyo France ay yihiin qaramada ugu cad cad koobka aduunka.

Lionel Messi oo ka jawaabaya xulalka qaramada uu jeclaan lahaa in aanu koobka aduunka kaga hor iman marka uu Russia ka furmo ayaa yidhi: “Anigu waxaan doorbidyaa in aan koobka aduunka kaga dheeraado Spain sababtoo ah hanaanka ay u ciyaaraan. Iyagu waa kuwo aad u adag, kuwa ugu cad cadi waa Spain, Brazl, Germany, France…. waa wadamada ku jira qaab ciyaareedka ugu fiican”.

Lionel Messi ayaa la waydiiyay haddii uu qarankiisa u sii ciyaari doono ilaa koobka aduunka 2022 ee dalka Carbeed ee Qatar ka dhici doona wuxuuna yidhi: “Hadda waxaan ka fikirayaa Russia kaas oo ah kan dhaw. Waxaan rajaynayaa in aanu gaadhi doono waxa aanu doonayno, waa riyada qof kasta in uu koobka aduunka ku guulaysto”.

Lionel Messi ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Kadib waxaynu arki doonaa sida ay wax noqdaan. Waqtu si deg deg ah ayuu u socdaa, mana jiro waqti badan oo hadhay, waxaa waajib ah in aan ka faa’iidaysano si aan korniinka u sii wadno”.

Xulka qaranka Argentina ayaa kulamo saaxiibtinimo la ciyaari doona marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia iyo Nigeria inta lagu jiro kulamada caalamiga ah ee maalmaha soo socda.

Comments

comments