Lionel Messi Oo Qiray In Aanu Wali La Sheekaysan Antoine Griezmann-Maxay Sababtu Tahay?

Kabtanka kooxda kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa waraysi dheer oo uu bixiyay waxaa lagu waydiiyay su’aalo badan waxaana ka mid ahaa xidhiidhka kala dhexeeya xidiga kooxdiisu ay xagaagan la soo wareegtay ee Antoine Griezmann.

Lionel Messi ayaa hore loo sheegay in uu ka soo horjeeday in Antoine Griezmann uu Barcelona ku soo biiro xagaagan kadib markii uu ka niyadjabay go’aanbkii uu xidiga reer France qaatay sanadkii 2018 kii markaas oo si wayn qolka labiska looga sugayay.

Inkasta oo uu Lionel Messi qirtay in aanu wali la sheekaysan Antoine Griezmann, haddana waxa uu sababta ku sheegay in ay tahay dhaawicii isag soo gaadhay ee aanu kooxda inteeda kale qaybta ka ahayn.

Waxa uu Lionel Messi xusay in aanu wali helin fursada ay si wayn ugu sheekaystaan Antoine Griezmann wuxuuna cadeeyay in ay wax badan ka wada hadali doonaan.

Messi oo ka hadlaya Antoine Griezmann ayaa yidhi: “Daacad ahaantii xaqiiqdu aad ayay u yar tahay. Tan iyo markii aan soo laabtay, anigu dhaawac ayaan ahaa waxaanan u tababaranayay kaliday, xaqiiqdii qayb kama ihi kooxda”.

“Iyagu safarkii ayay u baxeen, kadib way soo laabteen, in yar ayaanu qolka labiska isku aragnay” ayuu Lionel Messi hadalkiisa sii raaciyay isaga oo xusaya in ayna wali waqti isku helin Griezmann.

Laakiin Messi ayaa cadeeyay in ay fursad badan isku heli doonaan Griezmann si ay waxyaabo badan uga wada hadlaan wuxuuna yidhi: “Anigu kumaan jirin tababarada, laakiin waxaanu heli doonaa fursad aanu wax badan kaga wada hadli doono”.