Lionel Messi Oo Ka Sheekeeyay Sida Uu Noqday Dareenkiisa Kadib Markii Ay Kooxda Reer Talyaani Ee Roma Ay Ka Cidhib Tirtay  Champions League.

Xiddiga reer Argentina Lionel Messi ayaa dib u xasuustay qaabkii ay kooxdiisa Barcelona kaga soo hartay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay tartanka Champions League, waxaana shir jaraa’id uu ka soo muuqday ku sheegay sida uu dareemay ka dib markii Barcelona ay ku hartay wareega siddeeda kulankii ay la ciyaareen dhigooda reer talyaani ee Roma.

Lionel Messi ayaa wuxuu dib kaga sheekeeyay dhacdadii ay kala kulmeen Roma Champions League-gii lasoo dhaafay wuxuuna yidhi: “Suurtagal ma ahan inaan sharaxno waxa ka dhacay kulankii Roma, waxaan ahay kuwa ku kalsoonaa inaan u gudbi doono wareega xiga, balse waxaan galnay hurdo dheer, waxay dhaliyeen gool sahlan isla bilawgii ciyaarta, kadibna waxay heleen kalsooni”.

Mucjisada xulka qaranka Argantina iyo kooxda Barcelona ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Waan awoodi weenay inaan dib ugu soo laabano natiikjada ciyaarta si aan kaga baxno dhibaatada ina heysatay, lakiin wixii dhacay ma aysan aheyn mid kadis ah, sababtoo ah Roma waxay ku dhawaatay in sidaas oo kale ay sameyso, kulankii ay Liverpool kula ciyaartay wareega afar dhamaadka”.

Messi wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Aad ayaan u carooday, marka aan arkay qaabkii aan kaga harnay tartanka Champions League, gaar ahaan xili aan soo bandhignay qaab ciyaareed cajiib ah, isla markaana aan la kulanay kaliya saddex kulan”.

Barcelona ayaa xusid mudan in kulankii lugta hore ee wareega 8-da kaga adkaatay kooxda Roma garoonka Cump Nou 4-1, laakiin Roma ayaa natiijada dhinaca kale u dhigtay kadib markii ay guul ku gaadhay 3-0 kulankii ka dhacay Stadio Olimpico, xili ay Blugarana ay soo bandhigtay qaab ciyaareedkeedii ugu xumaa.