Lionel Messi Mise Cristiano Ronaldo? – Tababare Fabio Capello Oo Dookhiisa Ciyaaray & Xiddiga Uu Midka Caqliga Badan Ku Sifeeyay.

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ahna shaqsiga kooxaha iyo xulalka badan soo maamulay ee Fabio Capello ayaa u muuqday mid si gaar ah u kala xushay xiddigaha halka ugu sarreysa kubadda cagta ka jooga ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Messi iyo Ronaldo ayaa sanadihii ugu dambeeyay kusoo guuleystay min shan Ballon d’Or waxaana halkeeda kasii socota dooda ah ciyaartoyga ah midka ugu fiican taariikhda kubadda cagta.

Haddaba, Tababare Capello ayaa sheegay in Messi uusan ahayn kaliya ciyaartoy balse uu yahay mid caqli badan halka uu sidoo kale amaan kala dul dhacay Cristiano oo uu ku amaanay qaabka cajiibka ah ee uu u saameeyay kooxda Juventus.

Capello ayaa yidhi “Lionel Messi maaha ciyaartoy balse waa mid caqli badan waana midka kaliya ee caqli badan ee ku jira dunida kubadda cagta”

“Kulama uusan guuleysan wax koobab ah oo badan Argentina sababtoo ah waa in uusan isagu kaligii qaban karin shaqada oo dhan”

Capello oo Ronaldo iyo saamayntiisa Juve ka hadlaya ayaa dhinaca kale yidhi “Cristiano waxa uu hurdada ka kiciyay ciyaartoy badan oo Juventus ah, In isaga kooxda la keeno waxa ay taleefanka toosinta u ahayd ciyaartoy badan waxaana uu ka dhigay iyaga kuwo horumaray”

“Isagu aad ayuu muhiim ugu yahay Juventus sababtoo ah inaad shaqsi u wanaagsan sidiisa oo kale ku haysato tababarka maalinkasta iyo qof natfiisa u daryeelaya sida uu Ronaldo sameeyo waxa ay faa’ido weyn u tahay koox awood la’aan soconaysay”