“Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo Waxay U Wareegi Doonaan Horyaalka Belarus Haddii…” – Alexander Hleb

Laacibkii hore ee kooxaha Barcelona iyo Arsenal ee Alexander Hleb ayaa sheegay in xiddigaha dunida ugu wanaagsan ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay ka tegi doonaan horyaallada Spain iyo Talyaaniga oo ay tegi doonaan waddanka uu isagu u dhashay ee Belarus, halkaasna ay ka ciyaari doonaan.

Xanuunka Coronavirus ee dunida ku faafaya ayaa waxa  uu sababay in la joojiyo horyaallada Premier League, Serie A, LaLiga, Bundesliga iyo Ligue 1, sidoo kalena waxa dib loo dhigay Euro 2020 iyo Copa America 2020 oo sannadka dambe loo riixay, hase yeeshee horyaalka waddanka Belarus ee Belarussian Premier League ayaa dib u bilaabmay maalintii Khamiistii, iyadoo ay kasoo qayb-galeen daawashadiisa taageereyaal tiro badan.

Alexander Hleb oo ka hadlay dibu-bilaabashada horyaalka dalkiisa, ayaa waxa uu sheegay inay horeedi karayso inay dunida oo dhan indhaheeda kusoo jeediso oo uu noqdo kan kaliya ee  la daawanayo, waxaanu si kaftan ah u sheegay in xattaa xiddigaha adduunka ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ay dalkaas tegi doonaan si ay u ciyaaraan maadaama Spain iyo Talyaaniga iyo tartamada kale ee waaweyn ay hakad ku jiraan.

“Adduunka oo dhan waxa uu hadda daawanayaa hjoryaalka belarusian League, qof kastaana wuxuu tegi karayaa telefishankiisa oo uu ka daawan karayaa.” Ayuu yidhi Alexander Hleb oo u warramay wargeyska The Sun.

“Marka xili ciyaareedka NHL lasoo xidho, ciyaartoy badan oo barafka ku dheela waxay tageen Ruushka oo ay ka ciyaaraan. Laga yaabaa, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo inay yimaaddaan horyaalka Belarus oo ay kasii wadaan ciyaarahooda. Yaa garanaya?

“Waa meesha kaliya ee Yurub ah ee aad kubadda cagta ciyaari karayso, waana ugu yaraan waxa kaliya ee ay dadka Belarus ku farxi doonaan.” Ayuu yidhi.

Waddanka Belarus, nadiif kama aha xanuunka Coronavirus, waxaana ugu yaraan laga diiwaangeliyey 81 kiis oo caabuqan ah, hase yeeshee wali wax dhimasho ah lagama soo sheegin.

Guud ahaan caalamka, waxa dadka uu xanuunkani haleelay ay tiradoodu kor u dhaaftay 380,000 qof, waxaana u dhintay 16,500 illaa hadda inkasta oo daqiiqad kasta ay isbeddelayso tirada dhimashada iyo dadka cusub ee uu caabuqu ku dhacayo.