Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo Oo Ugu Dambayn Si Caddaalad Ah Loogu Gar-qaaday – Yaa Guuleystay, Maxayse Ku Kala Duwan Yihiin?

Muddo ka badan toban sannadood ayey taagnayd doodda u dhaxaysa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxaanay soo bilaabantay sannadkii 2009 markaas oo CR7 uu markii ugu horreysay ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu wanaagsan dunida ee Balon d’Or, balse Leo ayaa kala wareegay oo afar sannadood oo xidhiidh ah loo caleemo saaray xiddiga dunida ka hor intii aanu Ronaldo soo laabanin.

Tobankii sannadood ee tegay, waxay labadan laacib si isle’eg u qaybsadeen abaal-marinta shaqsiga ah ee ugu qaalisan, laakiin haddii 15 sannadood uu qof ku doodi lahaa in muddo intaa le’eg ay dunidu u xidhnaanayso laba ciyaaartoy oo kaliya, waxa uu noqon lahaa mid lagu qoslo oo lagu maadsado laakiin ugu dambayn way dhacday.

Bilowga sannadka 2019 Lionel Messi waxay da’diisu noqon doontaa 31 jir, halka Ronaldo uu mar horeba madaxa la galay 34, waxaanay tani caddayn u tahay inay si degdeg ah uga bixi doonaan saaxadda oo ay ciyaartooyo kale la wareegi doonaan abaal-marintii muddada dheer iyaga u xidhnayd.

Ka sokow abaal-marinaha shaqsiga ee xiddignimada dunida ee midba shanta haysto ee ka dhigaysa inay yihiin boqorrada kubadda cagta ee casriga ah, waxa jirta dood dadku ku kala qaybsan yihiin oo ku saabsan midka wanaagsan labadan laacib ciyaartoy ahaan. Ma aha dadka caadiga dadka ku qaybsani taageereyaasha oo kaliya, balse illaa khubarada ayaa iskaga soo horjeeda.

Labadooduba waxay dhaliyaan goolal tiro badan oo cajiib ah oo ay ku jabiyeen dhamaan rikoodhadii ka horreeyey ee goolasha, balse wariye khabiir ah oo lagu magacaabo James Horncastle ayaa ugu dambayn helay farqiga u dhexeeya labadan ciyaaartoy ee dunidu sacabka u tumaysay tobanka sannadood, welina kusii jiraya.

Lionel Messi ciyaartiisu waa mid dabiici ah oo u dhalasho iyo hibo ah, lamana arag qof sidiisa oo kale ah oo aad moodo inay kubadda saaxiib yihiin amaba kubaddu jeceshahay, laakiin Cristiano Ronaldo ayaa ah madaale aan mar kaliya nasanin, waxaanu awood u yeeshay in dedaal uu toban sannadood figta ugu sarraysa ku fadhiyo, lana tartamo ninka hibada Allah siiyey ee xattaa isaga oo aan tababar qaadanin sida ugu fudud wax walba u qabta.

Wariye James Horncastle oo sidii ugu habboonayn u falan-qeeyey labadan ciyaartoy ayaa waxa uu dhinac walba ka eegay xirfaddooda, sida dhalinta goolasha, saamaynta ay ku leeyihiin kooxahaooda, balse ugu dambayn waxa uu helay hal arrin oo Lionel Messi kaga wanaagsan yahay ninka ay loollamayaan oo aan lagu gaadhi karaynin.

“Waxa ka mid ah waxyaabaha aan ku kala saaro, Messi wuxuu kaga sarreeyaa Cristiano awoodda uu u leeyahay kubbad dhiibista, aragtidiisa iyo qiyaastiisa kubbadeed.” Sidaas ayuu yidhi James Horncastle.

“Waxaad eegtaa goolasha uu caawiyey (Leo Messi) sannadahaas, waxaad arkaysaa inay tahay kubbad maskax ku socotay. Wuxuu ka war hayaa meelaha bannaan ee garoonka, waana meesha aanu qof caadi ahba ku ahayn.” ayuu ku daray.

Wariye Horncastle waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay labada arrimood ee aanu Ronaldo lahayn ee uu Lionel Messi hibada u leeyahay oo ah inuu ka war hayo dhamaan garoonka oo uu la socdo, isla markaana sameeyo kubbad dhiibis ama baas cajiib ah.

Ugu dambayn, saxafigan sida wanaagsan u kala saaray Ronaldo iyo Messi waxa uu tilmaamay in laacibka reer Argentine ee Leo uu xattaa ka sarreeyo halyeeyadii kubadda cagta ee Di Stefano iyo Pele, sababtuna waa inuu muddo ka badan toban sannadood ahaa ciyaartoy dunida oo dhan isha ku hayso oo uu si joogto ah wacdaro uga dhigayay garoomada, isla markaana aanu marnaba ka maqnaanin saddexda ciyaartoy ee iskugu soo hadha abaal-marinta Ballon d’Or.

 

 

2 Comments

  1. Si cadaalad ah ayu u qiimeeyey khabiirkaasi… L. MESSI wa kan ugu wngsan caalamka kubada cagta taariikhda o dhan

  2. Waxaaad modaa wariyaha in uu diirada saaray kaliya waxa uu qabtay messi uusan waqti badan ku lumin ukuur galidda C.Ronaldo sida aan ognahay cid walbo ayaa dawato marka ay ciyaarayaan waxa ay ku kala duwan yihiin wan garan kartaa Messei waxa uu garab ka helaaa Barcelona Halka C.Ronaldo dhowr Team uu usoo ciyaaray wax badanne usoo gabtay waana sababta ugu weyn ee uu kaga wanag san yhy Messi

Comments are closed.