Lionel Messi, Eden Hazard Ilaa Chicharito – Xiddigaha Waa Weyn Ee Aan Weli Ciyaarin Horyaalka La Liga Xilli Ciyaareedkan

Iyadoo kulamada heerka caalami ay soo dhamaadeen, waxaa dib loogu soo noqon doonaa kulamada horyaalada Yurub todobaadka soo socda.

Horyaalka Spain ee La Liga waxaa la ciyaari doonaa kulankii isbuuca afaraad laakiin bil ka dib markii uu xilli ciyaareedka bilowday waxaa weli jira xiddigo waa weyn oo aan ciyaarin horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Sababo kala duwan ayay ciyaartoyda ku maqan yihiin, qaar waa dhaawac, qaar xilli dhow ayaa la soo wareegay, waxaana eegi doonaa xiddigaha ugu waa weyn ee weli sugaya kulankooda ugu horeeya ee xilli ciyaareedka La Liga.

Lionel Messi

Shaki la’aan, kubada cagta Spain waxbaa ka maqan Messi la’aantiis.

Xiddiga reer Argentina ayaan weli ciyaarin horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan ka dib dhaawac kubka ka soo gaaray xagaagii, inkastoo uu ku jadwaleysnaa inuu ciyaarayo kulanka isbuuca soo socda hadana weli lama xaqiijinin.

Eden Hazard

Mid ka mid ah xiddigihii xagaaga lala soo wareegay oo aan weli ciyaarin.

Taageerayaasha Real Madrid ayaa sugaya inay arkaan Hazard oo ka soo muuqda shaxdooda, laakiin dhaawac ayaa u diiday inuu ciyaaro seddexdii kulan ee ugu danbeysay.

Waxaa la filayaa inuu kulankiisii ugu horeysay dheelo Sabtida.

Javier Hernandez

Chicharito ayaa ku soo laabtay Spain, waxaana uu markaan xiran doonaa maaliyada Sevilla.

Waxa uu u soo wareegay maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga Yurub, waxaana uu kulankiisa ugu horeeya u ciyaari doonaa isbuuca soo socda.

Nacho Monreal

Waa xiddig kale oo ku soo laabtay Spain maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga, daaficii hore ee Arsenal ayaa la filayaa inuu u safto Real Sociedad kulamada afaraad ee horyaalka.

Eder Militao

Xiddiga reer Brazil ayaan weli wax fursad ah ka helin tababare Zinedine Zidane.

Sergio Ramos iyo Raphael Varane ayaa weli ah labada daafac dhexe ee ku soo bilowda kulan walba, laakiin Militao ayaa la filayaa inuu dhawaan heli doono fursadiisa.

Hector Herrera

Waxa uu soo ahaa kabtanka FC Porto waxaana uu Atletico Madrid ka noqday xiddig aan la isticmaalin.

Waxaana qariib ah in Hector Herrera uusan dhaawac aheyn.

Alphonse Areola

Waxa uu Real Madrid u yimid inuu bedelo Keylor Nacas, waxaana uu u fadhin doonaa goolhaye Thibaut Courtois.

Waxa uu ku qasban yahay inuu sugo in muddo ah kulankiisa ugu horeeya.

Thierry Correia

Saxiixii ugu danbeeyay ee Valencia ayaa ah wajiga cusub ee kubada cagta Spain.

Kooxda Los Che waxa ay dooratay inay daafaceeda ku xoojisay xiddig da’ yar maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga.

Alex Moreno

Real Betis ayaa u muujisay kalsooni markii ay la wareegeen, lama filaana ma noqon doonto inuu kulankiisa ugu horeysa ciyaaro isbuuca soo socda.

Waxa uu wacdarro u dhigay kooxda Rayo Vallecano xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.