Lionel Messi Ayaa Ku Guuleysanaya Ballon d’Or, Liverpool Ayaa SADDEX Boos Ku Yeelanaysa Shanta Sarre Ronaldo-na LIXAAD Ayuu Geli Doonaa.

Shirkada khamaarka ee OddsChekcer ayaa haatanba sii saadaalisay qaabka loo kala sarreyn doono marka ay noqoto abaalmarinta xiddiga sanadka ee Ballon d’Or sanadkan 2019.

Marka loo eego xogta uu ilaa haatan soo diiwaan gashaday, Lionel Messi ayaa ah shaqsiga ilaa haatan ugu cad cad ee u sharaxan abaalmarintaas balse waxaan la hubin haddii ka maqnaanshihiisa Final-ka Champions Leageu uu wax ka bedeli doono midaas.

Sidoo kale waxa su’aal u baahan in laga doodo ah haddii France Football oo bixisa abaalmarintan ay dooni doonto in uu ku guuleysto ciyaartoy Liverpool ama Tottenham ahi.

Dhinaca Tottenham haddiiba aynu eegno, Spurs ayaa wado aad u qurxoon usoo maray soo gaadhista Final-kan balse waxa ku yar bandhig shaqsiyeed wanaagsan oo ciyaartoydeedu soo bandhigeen.

Iyadoo Messi uu boos kasii fiican midka haatan usoo fadhiisan karo abaalmarinta haddii uu ku guuleysto Copa Del Rey ayaa la filayaa inuu saddexley ciyaartoy Liverpool ah kala kulmi doono loolanka ugu badan.

Oddschecker oo ah shirkad khamaarka ah ayaa saadaalisay in saddexda xiddig ee Van Dijk, Mane iyo Mohamed Salah ay cidhiidhin doonaan Messi iyaga oo xataa ka fursad badnaan doona Cristiano Ronaldo.

Shirkadan ayaa aaminsan in Ronaldo ceebi ka raaci doonto abaalmarinta oo uu geli doono booska LIXAAD isaga oo xataa ka dambayn doona da’yarka PSG ee Kylian Mbappe.

Dhinaca kale shirkadan khamaarka ah ayaa bandhigiisa wanaagsan ee xilli ciyaareedkan ku abaalmarisay xiddiga Manchester City ee Raheem Sterling oo ay booska 7-aad u rajeeyeen.

Aragtida OddsChecker Ee Kala Sarreynta Ballon d’Or 2019

1. Lionel Messi – 1/2

2. Virgil van Dijk – 7/4

=3. Sadio Mane – 16/1

=3. Mohamed Salah – 16/1

5. Kylian Mbappe – 20/1

=6. Cristiano Ronaldo – 25/1

=6. Raheem Sterling – 25/1

 

Miyay Saadaasha Shirkadani Kuula Muuqataa Mida Saxda Ah Ee Kala Sarreynta Ballon d’Or Ee Ilaa Haatan, Haddii Ay Jawaabtaadu Tahay Maya Maxaad Ka Bedeli Lahayd?

2 Comments

  1. Ballo Da,or 2019 Waxa Xaq u leh Xidigaha. Kooxda Ku Guulaysata Champions ka . Sidaa Darteed Messi Boos Kuma laha Maadaama si Fool Xun Looga Reeby Tartanka. Waa Aragtidayda.

Comments are closed.