XOG: Liiska 15 Ka Ciyaartoy Ee Horyaalka Premier Leaque Ee Ugu Qiimaha Badan Oo La Soo Saaray- Imisa Ciyaartoy Ayaa Kooxdooda Ugu Jira?

Shabakada caanka ah ee Transfermarkt oo laga leeyahay dalka Germany ayaa si wayn ugu caan baxday qiimaynta joogtada ah ee ay ku sameeyaan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabaha la xidhiidha. Transfermarkt ayaa soo saaray xidigaha ugu qiimaha badan horyaalka Premier Leaque waxaana ka soo muuqday ciyaartoy lacago badan hore loogula soo wareegay.

Xidigo ay ka mid yihiin Paul Pogba, Romelu Lukaku, Alvaro Morata iyo Kevin De Bruyne ayaa hore loogu kharash gareeyay lacago badan balse halkay hadda kaga jiraan ciyaartoyda horyaalka Premier Leaque ee ugu qiimaha badan kaga jiraan? warbixinta Transfermarkt ayaa looga jawaabay.

Harry Kane, Philippe Coutinho iyo Alexis Sanchez ayaa xagaagii la soo dhaafay ka mid ahaa xidigihii suuqa kala iibsiga looga hadlayay ilaa haddana ka mid ah kuwa ay kooxaha kale doonayaan balse qiimaynta xidigaha ugu qiimaha badan waqti xaadirkan Premier Leaque halkay kaga jiraan? markale waxay jawaabt ku jirtaa Transfermarkt.

Harry Kane ayaa noqday xidiga ugu qiimaha badan ciyaartoyda horyaalka Premier Leaque waxaana lagu qiimeeyay 80 milyan gini iyada oo qiimaynta suuqa ee Transfermarkt ay muhiimad wayn siiso, qaab ciyaareedka xidiga, heshiiska uu kooxdiisa kula jiro, da’diisa iyo waxyaabo muhiim u ah waayihiisa ciyaareed ee kooxda uu ka tirsan yahay.

Eden Hazard, Kevin De Bruyne iyo Paul Pogba ayaa ah saddexda xidig ee Harry Kane ku soo xiga waxaana qiimaha saddexdan xidig lagu sheegay min 75 milyan gini. Transfermarkt ayaan qiimaynteeda ku salayn xaalada waalida ah ee suuqa kala iibsiga ee ciyaartoyda layskaga baayacayo 200 milyan.

Philippe Coutinho oo ay Barcelona u waalatay ayaa lagu qiimeeyay 65 milyan gini waxayna isku mid yihiin Alexis Sanchez oo Man City xagaagii kula heshiisay 60 milyan balse hadda ku qiimaysan 65 milyan gini iyo Sergio Aguero. Sadio Mane ayuu qiimihiisu si wayn sare ugu kacay waxaana lagu qiimeeyay 50 milyan gini.

Haddaba halkan kaga bogo dhamaan 15 ka xidig ee horyaalka Premier Leaque ugu qiimaha fiican ee ay Transfermarkt soo saartay waxaana ugu hooseeya xidigaha ugu qiimaha sareeya.

1-Mesut Ozil- Arsenal- Qiimihiisa= 50 milyan gini

2- N’Golo Kante- Chelsea-Qiimihiisa= 50 milyan gini

3- Alvaro Morata- Chelsea -Qiimihiisa= 50 milyan gini

4-Christian Eriksen- Tottenham- Qiimihiisa= 50 milyan gini

5-Raheem Sterling- Man City – Qiimihiisa= 50 milyan gini

6-Sadio Mane- Liverpool- Qiimihiisa= 50 milyan gini

7-Dele Alli- Tottenham -Qiimihiisa= 60 milyan gini

8-Philippe Coutinho- Liverpool- Qiimihiisa= 65 milyan gini

9-Alexis Sanchez- Arsenal-Qiimihiisa= 65 milyan gini

10-Sergio Aguero- Man City- Qiimihiisa= 65 milyan gini

11-Romelu Lukaku- Man United- Qiimihiisa= 70 milyan gini

12-Kevin De Bruyne- Man City- Qiimihiisa= 75 milyan gini

13-Paul Pogba- Man United- Qiimihiisa= 75 milyan gini

14-Eden Hazard-  Chelsea- Qiimihiisa= 75 milyan gini

15- Harry Kane- Tottenham- Qiimihiisa= 80 milyan gini

Comments

comments