Liiska Tababarayasha Ay Real Madrid Sida Rasmiga Ah Ugu Doonayso Kooxdeeda Oo Sii Kordhaya Iyo Tababare La Liga Ku Sugan Oo Markan Bar-Tilmaameed U Ah.

Kooxda Real Madrid ayaa u muuqata mid sii balaadhinaysa liiska tabababarayasha ay kooxdeeda sida rasmiga ah ugu doonayso kaddib inay shaqadii ka caydhiyeen Julen Lopetegui isla markaana si kumeel gaadh ah xilkaas ugu dhiibtay Santiago Solari.

Real ayaa lala xidhiidhinayaa macalimiin badan oo ay ugu horreeyaan tababaraha kooxda Tottenham iyo tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Antonio Conte oo haatan shaqo la’aan ah.

Sida uu ku warramayo wargeyska Don Balon, Indhaha madaxda Los Blancos ayaa haatan qabtay tababaraha kooxda Valencia ee Marcelino kaas oo ay u arkaan mid ay si fudud ku heli karaan isla markaana kooxdooda kusoo celin kara wadada guulaha.

Madaxweynaha Madrid ee Florentino Perez ayaa la fahamsan yahay inuu la dhacsan yahay Marcelino oo uu u arko shaqsi awood hoggaamiineed leh isla markaana xasilin kara qolka labiska kooxda.

Marcelino ayaa si fiican usoo hoggaamiyay kooxda Valencia mudadii uu soo hoggaaminayay isaga oo u suurogaliyay inay usoo baxaan tartanka ugu xiisaha badan Yurub ee Champions League.

Mudooyinka soo socda ayaa si rasmi ah loo ogaan doonaa haddiiba maamulka Real Madrid ay go’aan ku gaadhaan inay tababare cusub kooxda u magacaabaan iyo haddii heshiiska loo dheerayn doono tababaraha kumeel gaadhka ah ee Santi Solari.