Liiska Saddexda Musharax Ee Iskugu Soo Hadhay Abaal Marinta Globe Soccer Awards Oo Lagu Dhawaaqay.

Waxaa lagu dhawaaqay liiska saddexda musharax ee sanadkan 2018 ku tartami doona abaal marinta Globe Soccer Awards taas oo sanad kasta lagu qabto dalka carbeed ee Dubai isla markaana lagu bixiyo abaal marino kale oo badan.

Waa sanadkii 10-aad oo la bixin doono abaalmarinta Globe Soccer Awards, shabakadda Marca ayaa maalgalisa abaalmarintaan lagu qabto Dubai, saddex ciyaartoy ayaa isugu soo haray laba ka mid ahna ay soo qaadeen koobka Adduunka.

Cristiano Ronaldo, Kylian Mbappe & Antoine Griezmann ayaa isugu soo haray abaalmarinta xiddiga ugu fiican dunida, guuleystahana waxaa lagu dhawaaqi doonaa 3-da January 2019, waxaa dhici doonaa shirkii 13-aad ee ururada kubadda cagta oo ay soo agaasimeen Dubai Sports Council.

Madaxa fulinta Globe Soccer Tommaso Bendoni ayaa ku dhawaaqay liiska isugu soo haray abaalmarinta.

“Xafladda 10-aad ee abaalmainta Globe Soccer Awards waa mid khaas ah” ayuu yiri Tommaso Bendoni.

“Waxaan ku faraxsanahay iney xaadir ahaadaan Cristiano Ronaldo, Kylian Mbappe iyo Antoine Griezmann kuwaas oo isugu soo haray abaalmarinta ciyaartoyda ugu fiican”

Xiddigii hore Real Madrid kaas oo fasalkii hore kooxdiisa kula guuleystay UEFA Champions afar jeer ayuu hantay abaalmarintaan, sideed jeer ayuuna ka mid noqday musharaxiinta, haddana wuxuu doonayaa markii 3-aad oo xiriir ah inuu hanto. hanto.